Hordhac: Manchester United Vs Newcastle United ee Horyaalka Premier League, Kulanka ugu daawashada badan Todobaadkan, Shaxda iyo Xidigaha Maqan

Kooxda Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku soo dhaweeneysa kooxda Newcastle United kulankeeda Afaraad ee Horyaalka Premier league,

inkastoo kulankan uusan sidaasi u xiiso badneyn hadana waa midka ugu xiisaha iyo daawashada badan madama uu ciyaarayo Ronaldo oo dib ugu soo laabtay United 12 sano kadib, Macalinka kooxda ayaana xaqiijiyay in CR7 diyaaryahay kulankan.

Wararka Labada Kooxood

Manchester United

Manchester United waxaa laga yaabaa inay weyso ciyaartoy yar. Tababare Ole Gunnar Solskjaer ma awoodi doono inuu u yeero adeega weeraryahan Marcus Rashford.

Waxaa jira shaki laga qabo helitaanka goolhayaha Dean Henderson, Scott Scott McTominay, daafaca bidix ee reer Brazil Alex Telles iyo weeraryahanka Jadon Sancho.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Fred ayaa ganaax ku seegaya kulankaan ilaa hadda.

Newcastle United

Dhanka kale, Newcastle United waxaa ka maqnaan doona goolhayaha Slovakia Martin Dubravka, qadka dhexe Jonjo Shelvey, goolhaye Karl Darlow iyo garabka reer Scotland Ryan Fraser. Waxaa jira shaki laga qabo helitaanka weeraryahanka Callum Wilson, khadka dhexe Isaac Hayden iyo daafaca bidix Paul Dummett. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Paraguay Miguel Almiron ayaa ganaax ku maqan ilaa hadda.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Manchester XI (4-2-3-1): David de Gea, Aaron Wan-Bissaka, Raphael Varane, Harry Maguire , Luke Shaw, Donny van de Beek, Paul Pogba , Mason Greenwood, Bruno Fernandes, Jadon Sancho, Cristiano Ronaldo

Newcastle United XI (3-5-2): Freddie Woodman, Federico Fernandez, Jamaal Lascelles, Fabian Schar, Jacob Murphy, Joe Willock, Sean Longstaff, Jeff Hendrick , Matt Ritchie, Joelinton, Allan Saint-Maximin

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Manchester United ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 36-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay garoonkeeda kula ciyaartay Newcastle ( badin bar-baro D9), guuldaradaas waxay dhacday December 2013 markaas oo uu hogaaminayay David Moyes (0-1).

Newcastle ayaa dhalisay goolasha lix ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay la ciyaartay Manchester United laakiin waxay badisay kaliya labo ka mid ah (Laga badiyay 4).

Ka dib markii laga badiyay seddex ka mid ah lixdii kulan ee ugu horeysay horyaalka xilli ciyaareedkii hore (W2 D1), Manchester United ayaa laga badiyay kaliya seddex kale 35kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League (W21 D11).

Newcastle ayaa 10 dhibcood ka heshay 15 -kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda Premier League (W3 D1 L1), inkasta oo laga badiyay kulankii ugu dambeeyay ee Aston Villa. Magpies -ku waxay kasbadeen kaliya sagaal dhibcood 42 kulan oo hore

Manchester United Vs Newcastle United

Tartanka Premier League

Saacada 17:00 pm Africa, Europe 16:00 pm

Garoonka Old Trafford

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com