Hordhac: Manchester City Vs Southampton Kulankooda Premier League-ga, Liiska Xidigaha Maqan iyo Shaxda Macquulka

Kooxda Manchester City ayaa Garoonkeeda Etihad Stadium ku soo dhaweeneysa kooxda Southampton kulan ka tirsan Horyaalka Premier league-ga, City ayaa ku jirta Heer Feecan inkastoo Khilaaf ka dhex dhashay Macalinka kooxda iyo Taageerayaasha oo ku aadan hadalkii dhawaan kasoo baxay Macalinka. Halkan ka  Akhriso Warkaasi Khilaafka

Wararka Labada Kooxood

Man City: Zack Steffen waxaa laga helay coronavirus mana lagu dari doono kooxda kulankaan. Benjamin Mendy ayaa hadda ku jira gacanta booliska mana awoodi doono inuu ciyaaro kulankaan. waxaa jira shaki laga qabo Aymeric Laporte, John Stones.

Southampton: William Smallbone, Stuart Armstrong, iyo Theo Walcott ayaa dhaawacan haatan waxaana laga saaray kulankaan. Shane Long wuxuu ka soo kabsaday COVID-19 laakiin waxaa laga yaabaa inuusan halis la gelin kulankan oo shaki ayaa ku jira.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Manchester City XI (4-3-3): Ederson Moraes; Joao Cancelo, Ruben Dias, Nathan Ake, Kyle Walker; Rodri, Ilkay Gundogan, Kevin De Bruyne; Gabriel Jesus, Ferran Torres, Raheem Sterling.

Southampton XI (4-2-3-1): Alex McCarthy; Kyle Walker-Peters, Mohammed Salisu, Jack Stephens, Valentino Livramento; Oriol Romeu, James Ward-Prowse, Mohamed Elyounoussi, Nathan Tella, Moussa Djenepo; Adam Armstrong

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Manchester City ayaa rikoor fiican ka heysata Southampton waxayna badisay 38 ka mid ah 95 kulan oo ay wada ciyaareen labada kooxood. 

Southampton ayaa maareysay 32 guulood oo ay ka gaartay Cityzens waxayna natiijo feecan ka filayaan kulankan.

Ciyaartii hore ee labada kooxood ayaa dhacday bishii March ee sanadkan waxayna ku soo dhamaatay 5-2 oo ay guusha ku raacday Manchester City. 

Manchester City Vs Southampton

Tartanka Premier league

Saacada (17:00pm Somalia) (16:00pm Yurub)

Garoonka Etihad Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com