Hordhac: Liverpool vs Burnley – Reds Oo Rikoodh Jabinaysa, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dhaawacyada Labada Kooxood

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Liverpool oo horyaalka xili ciyaareedkan ku guuleysatay waxay dhigi doontaa rikoodh marka ay maanta garoonkeeda Anfield ku qaabisho Burnley, laakiin rikoodhkan waxay uga sii gudbi karaan mid kale oo taariikhi ah oo aanay cidina uga horreyn oo ay ka xigaan oo kaliya saddex guulood.

Kooxda tababare Jurgen Klopp oo waqti hore xisaab ahaan ugu guuleystay horyaalka Premier League, isla markaana sugaya waqtiga koobka la siinayo iyo inta ciyaaruhu kasoo dhamaanayaan waxay qaabilaysaa Burnley oo u ordaysa sidii ay boos uga diyaarsan lahayd tartanka Europa League ee xili ciyaareedka dambe, waxaana inkasta oo ay ku jiraan kaalinta 10aad ay soo geli doonaan booska toddobaad haddii ay guul ka gaadhaan Liverpool.

Reds oo 92 dhibcood kasoo heshay 34 ciyaarood oo ay dheeshay, waxa hammigooda ugu weyn uu yahay in kulanka Burnley ay saddex dhibcood ka helaan, kaddibna ay isku diyaariyaan saddexda ciyaarood ee adag ee Arsenal, Chelsea iyo Newcastle United, kuwaas oo guulo ay ka helaan ay Reds ku noqon doonto kooxdii ugu horreysay ee horyaalka Premier League ka hesha 104 dhibcood xili -ciyaaree gudihii, waxaanay dhaafi doonaan rikoodhkii dhibcaha Man City ee fasal-ciyaareedkii 2017-18 oo ay 100 dhibcood horyaalka ku qaadeen.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League, waxay Liverpool soo guuleysatay afar ka mid ah, ciyaar laga badiyey iyo mid ay barbarro gashay, halka Burnley ay saddex guulood, laba barbarro iyo ciyaar laga badiyey kasoo heshay.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs Burnley

Tartanka: Premier League, kulamada 35aad

Waqtiga: 5pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Anfield

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Liverpool waxa ciyaartii Brighton ka dhaawacmay kabtankooda Jordan Henderson oo jilibka wax ka noqday, waxaana baadhitaano lagu sameeyey ay muujiyeen inay jirto waxyeello weyn oo sababaysa inuu maqnaado inta ka hadhay xili ciyaareedka iyo qaybta hore ee fasal ciyaareedka dambe.

Dejan Lovren oo dhaawac ku maqnaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayaa wali shaki ku jiraa inuu taam u noqon karayo kulankan, waxaana la eegi doonaa illaa daqiiqadaha ugu dambeeya haddii uu kursad u heli karayo ciyaartan, laakiin waxa aan gebi ahaanba joogin oo dhaawac ku macasalaameeyey horyaalka xili ciyaareedkan, difaaca reer Cameroon ee Joel Matip.

Tababare Jurgen Klopp oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey midba hal ciyaartoy oo saddexdiisa laacib ee afka hore ah fadhiisiyey, ayaa la sugayaa haddii uu kaydka u diri doono Mohamed Salah oo ay markiisii tahay maadaama Mane iyo Firmino uu min hal kulan kaydka u diray, laakiin xiddiga reer Masar oo ku tartamaya abaal-marinta Kabta Dahabka ah oo ay is eryanayaan Jamie Vardy iyo Aubemayang ayaa loo badinayaa inuu booskiisa xajisan doono.

Dhinaca Burnley, waxa ka maqan difaaca Ben Mee, sidoo kalena waxa aan xisaabta lagu darsan doonin Ashley Barnes, Jack Cork iyo Matthew Lowton.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Keita, Fabinho, Milner; Salah, Firmino, Mane

Burnley: Pope; Bardsley, Long, Tarkowski, Taylor; Gudmundsson, Westwood, Brownhill, McNeil; Rodriguez, Wood

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII