Hordhac: Liverpool vs. Aston Villa – Haddii Reds Iska Maydhi Karto Ceebtii Man City, Shaxda Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Liverpool waa horyaalka Premier League, waxaanay xaqiiqsatay hanashada koobka ay soddonka sannadood raadinaysay toddobaad ka hor, laakiin jab weyn oo fadeexad ah ayaa kaoso gaadhay ciyaartii ay Khamiistii Man City ku bahdishay Etihad Stadium oo ay 4-0 kusoo garaacday.

Tababare Klopp iyo xiddigihiisu waxay raadinayaan inay guul-darradaas iskaga maydhaan libin ay kasoo hooyaan kulanka ay maanta ku martigelinayaan Aston Villa oo ku jirta khadka cas ee halista inay dib ugu dhacaan heerka labaad ee Championship-ka.

Reds ayuu qorshahoodu ahaa in garoonka Etihad Stadium ay ku dhex damaashaadaan haddii ay ku garaacaan Man City oo saf sharafeed usii samaysay, laakiin wax aanay xisaabtaba ku darsan ayaa helay, waxaanay ka baxeen garoonka iyagoo bahdilan oo madaxa foorarinaya.

Laakiin 20ka dhibcood ee ay hoggaanka ku hayaan ayaanay cidina soo qaban karin, waana sababta aanay murugo u qabin Liverpool, laakiin kaliya ay doonayeen in rikoodhkooda guulaha ay sii wataan, muujiyaanna sababta ay ugu guuleysteen horyaalka oo ay ka hadhsan yihiin lix ciyaarood.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, Liverpool waxa laga badiyey laba jeer, saddex ay guuleysteen iyo mid barbarro ah, waxayna 10 dhibcood ka heleen 18 dhibcood oo suurtogal ahaa.

Aston Villa musiibada ay ku jirto, waxa caddayn u ah natiijooyinka ay ka keeneen lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, kuwaas oo aanay wax guul ah soo helin. Afar ciyaarood oo laga badiyey iyo laba barbarro ah ayaa rikoodhkooda ugu dambeeyey ku jira, waana sabab ay Liverpool ugu sii xisaabtami karto inay guul helayso, maadaama qaabkan niyad-jabka ah ay ku jirto kooxda u imanaysaa.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs Aston Villa

Tartanka: Premier League

Waqtiga: 6:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Anfield

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Jurgen Klopp ayaa ballan-qaaday inaanu kooxdiisa isbeddel ku samayn doonin oo aanu ciyaartoyda da’da yar iyo kaydka ku ciyaari doonin kulamada ka hadhay horyaalka Premier League, maadaama aanu u baahnayn FA Cup iyo Champions League oo mar hore ay kooxdiisu ka hadhay.

Dad badan ayaa saadaalinayey in ciyaartii Man City uu ciyaarsiin doono Alex Oxlade-Chambarlain iyo Naby Keita oo uu kusoo bilaabi doono, sidaas oo kalena uu James Milner beddelayo Andy Robertson, hase yeeshee, taasi dhicin.

Kulanka maanta ayaa wax badan inuu beddelo laga sugayaa, waxaana kaliya aanu ku xisaabtami karin Dejan Lovren, Xherdan Shaqiri iyo Joel Matip oo dhaawacyo qaba, inta kale ee ciyaartoydiisuna waxay u diyaarsan yihiin inay fursaddooda helaan.

Aston Villa waxa dhaawac kaga maqan Matt Targett oo muruqa wax ka qaba, waxaase soo laabtay Frederic Gulbert iyo Danny Drinkwater halka Henri Lansbury uu tababaruhu go’aan ka gaadhi doono ilaa daqiiqadaha ugu dambeeya.

Wesley iyo Tom Heaton oo muddo dheer maqnaa ayaan wali soo laaban, sidaas oo kalena Bjorn Engles ayaa la dhibaatoonaya waxyeello ka gaadhay seedaha.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Liverpoo: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Oxlade-Chamberlain, Henderson, Keita; Salah, Firmino, Mane

Aston Villa: Nyland; Konsa, Hause, Mings, Taylor; McGinn, Luiz, Hourihane; El Ghazi, Davis, Grealish

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII