HORDHAC: Leicester City vs Man United, Chelsea vs Wolves – Champions League Oo Lagu Kala Calaf-qaadayo, Shaxaha Macquulka Ah & Wararka Dhinacyada

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Kooxaha Manchester United, Leicester City iyo Chelsea ayaa dhammaantood maanta si toos ah ugu dagaalami doona kaalmaha Champions League loogu soo baxo ee saddexaad iyo afraad iyadoo la ogaan doono kooxda qalbi jabka kaga baxda xilli ciyaareedka wixii ay usoo dagaalamaysay oo dhan.

Leicester City vs Man United

Man United iyo Leicester City ayaa marka ay caawa fiidka geesaha iskula galaan gegida King Power Stadium isha ku wada hayn doona inay usoo baxaan boosaska Champions League.

Leicester City ayaa hadda hal dhibic ka dambaysa Chelsea iyo Man United oo boosaska saddexaad iyo afraad ku jira, Foxes ayaa kaliya guul u baahan si ay ugu yaraan mid kamida kooxahaas meesha ugala soo baxdo.

Advertisements

Markii la galayay wakhtigii go’doonka ee xanuunka Korona, Leicester City ayaa booska saddexaad ku jirtay iyagoo shan dhibcood ka sarreeyay Chelsea oo afraad ahayd isla markaana siddeed dhibcood ka horreeyay United.

Wararka Labada Dhinac Ee Kulanka Kahor

Leicester ayaan qabin wax dhaawacyo ah oo cusub balse ay ka maqnaan doonaan ciyaaryahano udub dhaxaad u ah shaxdooda oo ay ugu horreeyaan Ben Chilwell, Ricardo Pereira iyo James Maddison oo dhaawacan.

Christian Fuchs iyo Daniel Amartey ayaa sidoo kale dhaawac ku maqan halka uu ganaax casaan ah ku maqan yahay daafaca ree Turkey ee Caglar Soyuncu.

Dhinaca Man United waxaa wali maqnaanaya daafacyada dhexe ee Axel Tuanzebe iyo Phil Jones balse waxa kulankan kusoo laaban kara Luke Shaw iyo Eric Bailly oo labaduba dhawaan dhaawacmay.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Dhinac

Leicester City: Schmeichel; Bennett, Morgan, Evans; Thomas, Tielemans, Ndidi, Justin; Barnes, Vardy, Perez

Man United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw; Matic, Pogba; Greenwood, Fernandes, Rashford; Martial

Xogta Kooban Ee Kulanka

Ciyaarta: Leicester City vs Man United

Tartanka: Premier League

Garoonka: King Power Stadium

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Chelsea vs Wolves

Chelsea iyo Wolverhampton Wanderers ayaa ku kulmaya Stamford Bridge kulanka ugu dambeeya Premier League xilli ciyaareedkan iyadoo usoo bixitaankooda tartamada Yurub uu gacmahooda ku jiro.

Blues ayaa u boos jooga inay Champions League ka xaadiraan doorka dambe halka Wolves oo 59 dhibcood booska lixaad ku joogtaa ay natiijo wanaagsani ugu filnaan doonto inay xilli ciyaareedkii labaad Europe League gaadhaan.

Wararka Labada Dhinac Ee Kulanka Kahor

N’Golo Kante oo seegay shantii kulan ee ugu dambeeyay ee Chelsea ayaa dhawaan tababarka kusoo laabtay balse shaki ku jiraa inuu kusoo bilaaban doono kulanka, Fikayo Tomori iyo Billy Gilmour ayaa hubaal maqnaan doona.

Frank Lampard ayaa loo badinayaa inuu afar daafac kula ciyaari doono Wolves taas oo ka dhigan in Azpilicueta uu garabka bidix ciyaari doono halka uu midigta tagi doono Reece James.

Dhinaca Wolves, tababare Nuno Espirito Santo ayaan wax ganaax iyo dhaawac ah midna qabin taas oo ka dhigan inuu saf dhammaystiran la tegi doono Bridge.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Dhinac

Chelsea: Kepa; James, Rudiger, Zouma, Azpilicueta; Kovacic, Jorginho, Mount; Willian, Giroud, Pulisic

Wolves: Patricio; Boly, Coady, Saiss; Doherty, Neves, Moutinho, Jonny; Podence, Jimenez, Jota

Xogta Kooban Ee Kulanka

Ciyaarta: Chelsea vs Wolves

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Stamford Bridge

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII