Hordhac: Leeds United Vs Liverpool ee Horyaalka Premier League, Shaxda iyo Xidigaha Dhaawaca ugu maqan kulankan

Kooxda Leeds United ayaa garoonkeeda Elland Road ku soo dhaweeneysa kooxda Liverpool kulan ka tirsan Horyaalka premmier League, Reds ayaa kulankan ciyaareysa iyadoo kulankii u danbeeyay bar-baro la gashay kooxda Chelsea.

Wararka Labada Kooxood

Leeds United

Robin Koch ayaa weli ka maqan kooxda Leeds United. Saxiixa cusub ee Daniel James ayaa diyaar u noqon doona xulashada. Mateusz Klich iyo Junior Firpo ayaa laga helay cudurka Covid-19 kahor fasaxa caalamiga ah, laakiin labada xiddig ayaa hadda diyaar u ah xulasho.

Wali ma cadda in Raphinha laga dhaafi doono xayiraadda saaran ciyaartoyda reer Brazil ee diiday inay ku biiraan xulkooda caalamiga ah.

Liverpool

Roberto Firmino ayaa ku maqan dhaawac muruqa ah. Alisson Becker iyo Fabinho ayaa ku jira liiska ciyaartoyda laga mamnuucay inay ka ciyaaraan Premier League toddobaadkan. Waa la arki doonaa haddii loo banneeyo inay ciyaaraan. James Milner, Takumi Minamino iyo Naby Keita ayaa shaki ku jiraa.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Leeds United XI (4-2-3-1): Illan Meslier, Luke Ayling, Liam Cooper, Diego Llorente, Junior Firpo; Mateusz Klich, Kalvin Phillips, Stuart Dallas, Daniel James, Jack Harrison; Patrick Bamford

Liverpool XI(4-3-3) : Caoimhin Kelleher; Andy Robertson, Joel Matip, Virgil van Dik, Trent Alexander-Arnold; Jordan Henderson, Naby Keita, Thiago; Sadio Mane, Harvey Elliot, Mo Salah

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Liverpool ayaa guuldarro la’aan ah 10 -kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay labadan kooxood wada ciyaaraan.

Liverpool ayaa badisay todobo kulan halka sadex kulan ay ku dhamaadeen barbaro.

Markii ugu dambeysay oo ay labada kooxood isku dhacaan waxay ahayd Premier League bishii April horaantii sanadkan. Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-1.

Leeds United Vs Liverpool

Tartanka Horyaalka Premier League

Saacada (18:30 pm Africa) (17:30 pm Yurub)

Garoonka Elland Road

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com