Hordhac: Kulanka Wolverhampton Vs Manchester United ee Horyaalka Premier League, Shaxda Kulanka iyo Xidigaha Dhaawaca ah

Kooxda Wolverhampton ayaa garoonkeeda Molineux Stadium ku soo dhawaaneysa kooxda Manchester United kulan ka tirsan Horyaalka Premier League, Reds ayaa kulankaan ciyaareysa iyadoo lasoo wareegtay CR7 lakin uma badno in uu ciyaarayo kulankan.

Wararka Labada Kooxood

Wolverhampton Wanderers

Tababaraha Wolverhampton Wanderers Bruno Lage ma awoodi doono inuu u yeero adeega daafaca dambeedka midig ee reer Spain Jonny, garabka reer Portugal Pedro Neto iyo daafacyada dhexe Willy Boly iyo Yerson Mosquera.

Dhaawacmay: Pedro Neto, Jonny, Willy Boly, Yerson Mosquera

Manchester United

Dhanka kale, Manchester United waxay weyn doontaa daafaca bidix ee reer Brazil Alex Telles, weeraryahanka Marcus Rashford iyo xiddiga reer Scotland Scott McTominay. Waxaa jira shaki laga qabo helitaanka goolhaye Dean Henderson iyo weeraryahanka reer Uruguay Edinson Cavani.

Dhaawac: Scott McTominay, Marcus Rashford, Alex Telles

Shaki: Dean Henderson, Edinson Cavani

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Wolverhampton Wanderers XI (3-4-3): Jose Sa, Max Kilman, Conor Coady, Romain Saiss, Ki-Jana Hoever, Ruben Neves, Leander Dendoncker, Rayan Ait-Nouri, Francisco Trincao, Raul Jimenez, Adama Traore.

Manchester United XI (4-2-3-1): David de Gea, Aaron Wan-Bissaka, Raphael Varane, Harry Maguire, Luke Shaw, Donny van de Beek , Fred, Jadon Sancho, Bruno Fernandes, Paul Pogba , Mason Greenwood.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

17 kulan oo wada ciyaareen labada kooxood Manchester United ayaa haysata faa’iidada cad. Waxay badiyeen 10 kulan, 3 guuldaro iyo afar barbaro.

Labada naadi ayaa markii ugu dambeysay iska hor yimid horraantii sannadkan horyaalka Ingiriiska, iyadoo Manchester United ay 2-1 ku garaacday Wolverhampton Wanderers. 
Goolal ay dhaliyeen weeraryahanka da’da yar ee reer Sweden Anthony Elanga iyo halyeeyga reer Spain Juan Mata ayaa ka caawiyay Manchester United. Daafaca midig ee reer Portugal Nelson Semedo ayaa goolka raaxada u dhaliyay kooxda Wolverhampton Wanderers.
Wolverhampton Vs Manchester United
Tartanka Premier League
Saacada 18:30 pm Somalia, Europe 17:30 pm
Garoonka Molineux Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here