Hordhac: Kulanka Real Madrid Vs Celta Vigo ee Horyaalka LaLiga Spain, Shaxda iyo Dhaawacyada labada Koox

Kooxda Real Madrid ayaa Garoonkeeda Santiago Bernabeu Stadium ku soo dhaweeneysa Kooxda Celta Vigo Kulan ka tirsan Horyaalka Spain, Los Blancos ayaa kulankeeda ugu danbeeyay guul 1-0 ka gaartay Kooxda Betis.

Wararka Labada Kooxood

Real Madrid

Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaan awoodi doonin inuu u yeero adeega xiddiga qadka dhexe Dani Ceballos iyo daafaca bidix ee reer France Ferland Mendy. 

Waxaa jira shaki laga qabo helitaanka qadka dhexe ee qibrada leh ee Luka Modric, Toni Kroos iyo daafaca boosaska badan Nacho. Xiddigaha reer Brazil ee Casemiro, Eder Militao iyo Vinicius Junior ayaa shaki ku jiraa inay ciyaari karaan sidoo kale.

Celta Vigo

Dhanka kale Celta Vigo ayaa laga yaabaa inay weyso daafaca midig Kevin Vazquez, daafaca dhexe Jose Fontan iyo da’yarka qadka dhexe Miguel Baeza. Marka laga reebo in aysan jirin arimo la ogyahay iyo tababare Eduardo Coudet ayaa la filayaa inuu heysto koox taam buuxda u ah.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Real Madrid XI (4-3-3): Thibaut Courtois, Dani Carvajal, Jesus Vallejo, David Alaba , Miguel Gutierrez, Eduardo Camavinga, Federico Valverde, Isco, Gareth Bale , Karim Benzema, Eden Hazard

Celta Vigo XI (4-1-3-2): Matias Dituro, Hugo Mallo, Joseph Aidoo, Nestor Araujo, Javi Galan, Renato Tapia, Brais Mendez, Denis Suarez, Nolito, Iago Aspas, Santi Mina

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

23 kulan oo dhex maray labada kooxood, Real Madrid ayaa haysata guulaha ugu badan. Waxay badiyeen 17 -kulan, 3 -guuldaro iyo 3 -bar baro.

Labadan naadi ayaa markii ugu dambeysay iska hor yimid horaantii sanadkan horyaalka La Liga, iyadoo Real Madrid ay 3-1 ku garaacday Celta Vigo. 

Qeybtii hore ee ciyaarta laba gool oo uu dhaliyay weeraryahanka reer France ee Karim Benzema iyo qeybtii dambe ee ciyaarta oo uu dhaliyay weeraryahan Marco Asensio ayaa u xaqiijiyay Real Madrid. Weeraryahanka Santi Mina ayaa goolka kaliya u dhaliyay kooxda Celta Vigo.

Real Madrid Vs Celta Vigo

Tartanka Laliga Spain

Saacada (22:00 pm Somalia) (21:00 pm Yurub)

Garoonka Santiago Bernabeu Stadium

Kulamada kale

Espanyol vs Atletico Madrid

Tartanka Laliga Spain

Saacada (15:00 pm Somalia) (14:00 pm Yurub)

Garoonka RCDE Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com