Hordhac: Kulanka Barcelona Vs Getafe ee Horyaalka LaLiga Spain, Shaxda Macquulka iyo Xidigaha Diyaarka ah

Kooxda Barcelona ayaa Garoonkeeda Camp Nou ku soo dhaweeneysa Kooxda Getafe Kulan ka tirsan Horyaalka LaLiga Spain, Barca ayaa Sanadkan Ciyaareysa iyadoo Shaxda Kooxda ka Maqanyahay Lionel Messi lakin waxay ku bilowdeen qaab feevan.

Barcelona

Ansu Fati, Sergio Aguero, Ousmane Dembele, iyo Marc-Andre ter Stegen ayaa haatan ka soo kabsanaya dhaawacyo waqti dheer ah waxaana laga saaray kulankaan. Eric Garcia ayaa kaarka cas loo taagay kulankii Athletic Bilbao waana ganaax kulankaan.

Iyadoo Gerard Pique uu sidoo kale dhaawacan yahay waqtigaan, Ronald Araujo ayaa qarka u saaran inuu ka garab ciyaaro Clement Lenglet difaaca Barcelona. Pedri ayaa la siiyay nasiino kadib sanad ciyaareedkiisii ​​adkaa waxaana loo badinayaa inuu bedelo Sergi Roberto.

Dhaawacyada: Ansu Fati, Ousmane Dembele, Marc-Andre ter Stegen, Gerard Pique, Sergio Aguero.

Ganaax: Eric Garcia

Lama heli karo: Pedri.

Getafe

Sabit Abdulai iyo Marc Cucurella ayaa hadda ka soo kabsanaya dhaawac jilibka ah diyaarna uma Ahan Kulankan. Vitolo ayaa ka soo kabsaday jugtii soo gaartay waxaana uu diyaar u yahay inuu soo xusho.

Dhaawacmay: Sabit Abdulai, Marc Cucurella.

Shaxda Macquulka ee Labada Kooxood

Barcelona XI (4-3-3): Neto; Sergino Dest, Ronald Araujo, Clement Lenglet, Jordi Alba; Sergio Busquets, Sergi Roberto, Frenkie de Jong; Memphis Depay, Antoine Griezmann, Martin Braithwaite.

Getafe XI (4-4-2): David Soria; Mathias Olivera, Stefan Mitrovic, Djene Dakonam, Damian Suarez; Carles Alena, Mauro Arambarri, Nemanja Maksimovic, Vitolo; Sandro Ramirez, Enes Unal.

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Barcelona ayaa rikoor aan la qiyaasi karin ka heysata Getafe waxayna badisay 26 ka mid ah 36 kulan oo ay wada ciyaareen labada kooxood. 

Getafe ayaa heysata afar guul oo ay ka gaartay Barcelona waxayna u baahan doontaa inay sare u qaado Kulankooda isbuucaan.

Kulankii hore ee labada kooxood ayaa dhacay bishii April ee sanadkan wuxuuna ku soo dhamaaday 5-2 oo ay ku badisay Barcelona. 

Barcelona Vs Getafe 

Tartanka LaLiga Spain

Saacada 18:00 Pm Somalia, Europe 17:00 Pm.

Garoonka Camp Nou

Kulamada kale ee la Ciyaarayo

Atletico Madrid Vs Villarreal

Tartanka LaLiga Spain

Saacada 23:00 Pm Somalia, Europe 22:00 Pm.

Garoonka Wanda Metropolitano Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here