Hordhac: Juventus Vs AC Milan, Kulan Darbiga ee Serie A Italy, Shaxda Macquulka, iyo Xidigaha ka Maqan Kulankan

Kooxda Xaalka ku Xunyahay ee Juventus ayaa Garoonkeeda Allianz Stadium ku soo Dhaweeneysa Kooxda Ac Milan, Juventus ayaa Guul ka gaartay Malmo Kulankeeda ugu danbeeyay Halka Ac Milan ay guuldarro kala Kulantay Liverpool.

Wararka Labada Kooxood

Juventus: Aaron Ramsey iyo Arthur ayaa dhaawac ah waqtigaan waxaana laga saaray kulankaan. Mattia De Sciglio iyo Kaio Jorge ayaa la dhibtoonaya taam ahaanshahooda iyagoona sidoo kale dhaawac ku maqnaa todobaadkan.

Ac Milan: Zlatan Ibrahimovic ayaa la kulmay dib u dhac kale oo la xiriira taam ahaanshihiisa mana awoodi doono inuu ka soo muuqdo kulankaan. Rade Krunic iyo Tiemoue Bakayoko ayaa iyagana dhaawacan waxaana laga saaray kulankaan.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Juventus (4-4-2): Wojciech Szczesny; Giorgio Chiellini, Leonardo Bonucci, Danilo, Alex Sandro; Rodrigo Bentancur, Manuel Locatelli, Adrien Rabiot, Juan Cuadrado; Paulo Dybala, Alvaro Morata.

AC Milan XI (4-2-3-1): Mike Maignan; Theo Hernandez, Fikayo Tomori, Simon Kjaer, Davide Calabria; Sandro Tonali, Franck Kessie; Brahim Diaz, Rafael Leao, Alessandro Florenzi; Olivier Giroud

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Kooxaha Juventus iyo AC Milan ayaa wada ciyaaray 235 kulan. Juventus ayaa gacanta sare leh waqtigaan waxayna badisay 92 -kulan marka loo eego AC Milan oo badisay 68 -kulan.

Kulankii hore ee labada kooxood ayaa dhacay bishii May ee sanadkaan wuxuuna ku soo dhamaaday 3-0 oo ay ku badisay AC Milan.

Juventus Vs Ac milan 

Tartanka Serie A

Saacada (21:45pm Somalia) (20:45pm Yurub)

Garoonka Allianz Stadium

Kulamada Kale

Verona Vs Rona 

Tartanka Serie A

Saacada (18:00pm Somalia) (18:00pm Yurub)

Garoonka MA Bentegodi Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com