Hordhac: Inter Milan Vs Real Madrid Kulankooda Champions League-ga, Xidigaha ka maqan labada dhinac iyo Shaxda Ciyaarta

Kooxda Inter Milan ayaa garoonkeeda Giuseppe Meazza ku soo dhaweeneysa kooxda ugu guulaha badan Champions league-ga Real Madrid, Inter Milan ayaa ku jirta qaab feecan iyadoo xitaa uu ka tagay dhaliyahooda muhiimka ahaa ee Lukaku, Dhanka kale Real Madrid ayaa dhankeeda ku jirta heer feecan marka la eego horyaalkeeda.

Wararka Labada Kooxood

Inter Milan:  waxaa ka maqnaan kara daafaca dhexe Alessandro Bastoni. Marka laga reebo in aysan jirin arimo la ogyahay, tababare Simone Inzaghi ayaa la filayaa in uu heysto koox taam buuxda u ah kulankan.

Real Madrid: Dhanka kale, Real Madrid ayaa laga yaabaa inay weyso ciyaartoy yar. Tababare Carlo Ancelotti ma awoodi doono inuu u yeero adeega xiddiga qadka dhexe ee reer Spain Dani Ceballos, garabka Wales Gareth Bale, khadka dhexe ee Jarmalka Toni Kroos iyo daafacyada bidix Ferland Mendy iyo Marcelo.

Daafaca reer Austria David Alaba iyo weeraryahanka reer Serbia Luka Jovic ayaa lagu soo daray kooxda laakiin waa la arki doonaa haddii la siiyo daqiiqado kadib markii ay seegeen kulankii Celta Vigo.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Inter Milan (3-5-2): Samir Handanovic, Stefan de Vrij, Milan Skriniar, Federico Dimarco, Denzel Dumfries, Nicolo Barella, Marcelo Brozovic, Arturo Vidal, Ivan Perisic, Lautaro Martinez, Edin Dzeko

Real Madrid (4-3-3): Thibaut Courtois, Dani Carvajal, Eder Militao, Nacho, Miguel Gutierrez, Luka Modric , Eduardo Camavinga, Federico Valverde, Rodrygo, Karim Benzema, Eden Hazard

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

11 kulan oo dhex maray labada dhinac, Inter Milan ayaa badisay shan kulan, shan guuldaro iyo hal barbaro.

Labada kooxood ayaa markii ugu dambeysay iskaga hor yimid Champions League sanadkii hore, iyadoo Real Madrid ay 2-0 ku garaacday Inter Milan.

Rigoore qeybtii hore ka yimid garabka reer Belgium Eden Hazard iyo qeybtii labaad oo uu iska dhaliyay daafaca midig Achraf Hakimi ayaa u xaqiijisay Real Madrid guusha.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Chile Arturo Vidal ayaa kaarka cas loo taagay Inter Milan qeybtii hore.

Milan Vs Real Madrid

Tartanka Champions league

Saacada (22:00pm Somalia) (21:00pm Yurub)

Garoonka Giuseppe Meazza

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com