Hordhac: Burnley Vs Arsenal Kulankooda Premier League, Shaxda labada koox iyo Xidigaha Maqan

Kooxda Burnley ayaa garoonkeeda Turf Moor ku soo dhaweeneysa kooxda Xaalada ku xuntahay sanadkan ee Arsenal kuwaasi oo kulankooda ugu danbeeyay gaaray guul, Gunners ayaana dooneysa in kulankan ay sii wadato guusheeda.

Wararka Labada Kooxood

Burnley Dale Stephens, Kevin Long, iyo Connor Roberts ayaa dhaawacan haatan waxaana laga saaray kulankaan. Nathan Collins ayaa sido kale shaki ku jiraa waxaana laga yaabaa inuusan ciyaarin kulankaan.

Arsenal Granit Xhaka ayaa weli ganaax ku maqan mana ciyaari doono kulankaan. Mohamed Elneny iyo Rob Holding ayaa sidoo kale qaba dhaawacyo mana awoodi doonaan inay ciyaaraan kulankaan.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Burnley XI (4-4-2): Nick Pope; Ben Mee, James Tarkowski, Charlie Taylor, Matthew Lowton; Josh Brownhill, Ashley Westwood, Johann Gudmundsson, Dwight McNeil; Ashley Barnes, Chris Wood

Arsenal XI (4-2-3-1): Aaron Ramsdale; Kieran Tierney, Gabriel Magalhaes, Ben White, Takehiro Tomiyasu; Albert Sambi Lokonga, Ainsley Maitland-Niles; Martin Odegaard, Nicolas Pepe, Bukayo Saka; Pierre-Emerick Aubameyang

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Arsenal ayaa rikoor fiican ka heysata Burnley waxayna badisay 54 ka mid ah 121 kulan oo ay wada ciyaareen labada kooxood. 

Burnley ayaa Arsenal ka soo adkaatay 34 guul waxayna u baahan doontaa inay kasoo kabsato dhibaatadii sabtidii.

Ciyaartii hore ee labada kooxood ayaa dhacday bishii March ee sanadkan waxayna ku dhamaatay 1-1. 

Labada kooxoodba waxay iska khasaariyeen fursado maalintaas waxayna u baahnaan doonaan inay toddobaadkan noqdaan kuwo isbadal sameeya.

Burnley Vs Arsenal

Tartanka Premier league

Saacada (17:00pm Somalia) (16:00pm Yurub)

Garoonka Turf Moor

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com