Hordhac: Brighton vs Man City – Pep Oo Ka Walaacsan Farqiga Sii Badnaya Ee Liverpool, Shaxda Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Brighton ayaa garoonkeeda Amex Stadium kusoo dhoweynaysa Manchester City oo ka walaacsan dhibcaha rikoodhka ah ee ay Liverpool ka horreyso, isla markaana doonaysa inay xoogaa soo gaabiso si aanay diiwaanka horyaalka ugu gelin in Reds ay dhibcihii ugu badnaa abid ay horyaalka kaga  qaadday.

City oo kulamada bannaanka ay garoonkeeda uga baxdo ku dhibaatoonaysay xili ciyaareedkan marka loo eego sidii ay sannadihii hore ahayd, waxay marti u noqonaysaa Brighton oo guul-darro loogu xambaariyey garoonkeeda ciyaartii hore ee ay Liverpool ku martigeliyeen, laakiin waxay kulankaas galaafteen kabtan Jordan Henderson oo ay gaadhsiiyeen dhaawac jilibka ah oo uu muddo u jiifayo.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, Brighton waxay ka heshay siddeed dhibcood oo ahaa laba guulood, laba barbarro ah iyo laba laga badiyey, halka Manchester City ay afar ciyaarood guuleysatay labada kalena laga badiyey.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Brighton vs Manchester City

Tartanka: Premier League, kulamada 35aad

Waqtiga: 10:15pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Amex Stadium

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Sergio Aguero ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee ka maqan Man City, laakiin tababare Pep Guardiola ayaa is beddel ku samayn doona shaxdiisa mar kale, si uu fursad u siiyo ciyaaryahannadiisa, isla markaana uu u ilaaliyo tama ahaanshahooda maadama ay ciyaar adag oo Champions League ka tirsan sugayso horraanta bisha dambe, taas  oo ay ku martigelin doonaan Real Madrid, lugta labaad ee wareegga 16ka.

David Silva oo kulamadii ugu dambeeyey usii ciyaaraya Man City oo uu ka tegayo xagaagan, waxa uu ciyaartii ugu dambaysay dhamaystiray 10 caawimood, taas oo uu 10kii sannadood ee ugu dambeeyey ba soo samaynayay.

Kevin de Bruyne ayaanu shaki ku jirin inuu doonayo inuu ciyaarta kusoo bilowdo, si uu u dhaafo rikoodhkii gool caawinta ee Thierry Henry hal xili ciyaareed gudihii, iyadoo uu ciyaartii Newcastle dhiibay kubaddii 18aad ee gool noqota.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Brighton: Ryan; Lamptey, Webster, Dunk, Burn; Propper, Stephens, Bissouma; Mac Allister; Maupay, Trossard

Man City: Ederson; Walker, Garcia, Laporte, Mendy; De Bruyne, Gundogan, D Silva; Bernardo, Jesus, Sterling

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII