Hordhac: Borussia Dortmund Vs Barcelona: Blaugrana Oo Bilaabanaysa Champions League Kadib Ceebtii Semi-Finalka

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Borussia Dortmudn kulan ka tirsan tartanka champions league wareega Group-yada kulan ka dhici doona garoonka Westfalenstadion.

Kooxda Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay iska maydhaan ceebtii ay kaga hadheen tartanka kulankii Liverpool ee xilli ciyaareedkii hore.

Dortmund ayaa dhankeeda isha ku haya in ay natiijo fiican kala baxdo kulankan si ay u fiicnayso rajadeeda wareega Group-ka oo ah Group-ka dhimashada.

Kulanka: Borussia Dortmund Vs Barcelona

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Westfalenstadion

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 3-aad ee dhex mara kooxaha Borussia Dortmund iyo Barcelona kulan Rasmi ah labadii kulan ee hore ayaa yimid tartanka European Super Cup kulan laba lugood ah oo dhana 1997/1998 iyada oo Barcelona 2/0 ku badisay lugtii hore halka ay bar-baro 1/1 ah ku galeen Germany.

Xilli ciyaareedkan ayaa ah midkii 4-aad oo xidhiidh ah oo ay Dortmund champions League la Group noqoto koox Spain ah kooxaha kale ee la soo Group noqdeen ayaa kala ah Real Madrid (2016/2017), Real Madrid (2017/2018) iyo Atletico Madrid.

Barcelona ayaan la kulmin guuldaro 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee champions League (10 guul iyo 4 bar-baro) waxana ay kaliya guuldaro la kulmeen hal kulan 28-kii kulan ee ugu dambeeyay ee wareega Group-yada (21 guul iyo 6 bar-baro) iyada oo guuldaradaas ka soo gaadhay Man City November 2016.

Borussia Dortmund ayaa kaliya badisay 2 kulan oo ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee champions League ay ku ciyaartay garoonkeeda iyaga oo laga badiyay kulankii ee ugu dambeeyay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here