Hordhac: Barcelona Vs Villarreal: Xogtan Oo Muujinaysa In Ayna Barcelona Ku Dhibaatoon Doonin In Ay Caawa Guul Ka Gaadho Villarreal

Kooxda Barcelona ayaa marti galin doonta kooxda Villarreal kulan ka tirsan todobaadkii 6-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoona Camp Nou.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyada oo ay ka go,antahay in ay guul gaadhaan kuna soo laabtaan wadada guulaha kadib guuldaradii niyad jabka lahayd ee ka soo gaadhay kooxda Granada sabtidii.

Dhanka kale kooxda Villarreal oo bar-baro ku qabatay kooxda Real Madrid bilowgii xilli ciyaareedkan ayaa doonaysa in ay isla wadadaas mariso kooxda Barcelona kulanka.

Kulanka: Barcelona Vs Vilarreal

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaan wax guuldaro ah la kulmin 20-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Villarreal iyaga oo kaliya ku fashilmay in ay hal kulan gool dhaliyaan xilli guuldaradii ugu dambaysay ee ay kala kulmeen Villarreal horyaalka ahayd mid dhacday bishii March sanadkii 2008 kulan ka dhacay Camp Nou.

Barcelona ayaa badisay 9-koodii kulan ee ugu dambeeyay ee ay La Liga ku ciyaareen Camp Nou iyada oo markii ugu dambaysay ee ay Barcelona kulamo intaas ka badan ku badisay Camp Nou ahayd 2017 markaas oo ay 12 kulan oo xidhiidh ah guul gaadheen.

Villarreal ayaa gool dhalisay mid kasta oo ka mid ah 18-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ay la ciyaartay Barcelona.

Barcelona ayaa heshay kaliya 7 dhibcood horyaalka 5-tii kulan ee ay ciyaareen horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waana dhibcohoodii ugu yaraa ee ay Abid ka helaan La Liga tan ilaa 1994/1995.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here