Hordhac: Barcelona vs Espanyol “Catalan Derby” – Sababta Ay Espanyol Dagaalka Weyn U Gali Doonto, Shaxaha Macquulka Ah & Wararka Labada Dhinac

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Kooxda Barcelona ayaa isku dayi doonta in rayada yar ee ay ka qabaan hanashada horyaalka La Liga ay sii nooleeyaan kulanka ay caawa wada ciyaarayaan kooxda ay magaalada Barcelona kasoo wada jeedaan ee Espanyol.

Arrinta dagaalka ugu weyn inay galaan ku qasbi doonta xiddigaha Espanyol ayaa ah inay haatan 11 dhibcood u jiraan booska lagu badbaado isla markaana guuldarro ay caawa la kulmaan ay ugu dhaadhici doonaan heerka labaad.

Barcelona Vs Espanyol

Barcelona Vs Espanyol

Barcelona ayaa kulankii ay Villarreal lasoo ciyaartay soo muujisay waxa ay awooda u leedahay kaddib markii ay 4-1 kusoo adkaadeen balse inay 4 dhibcood dambeeyaan iyadoo afar kulan hadheen ayaa muujinaysa in xilli horeba la dhaawacay.

Iyadoo ay wali jirto xaqiiqada ah inaan xisaab ahaan la kala bixin oo ay Barca ku guuleysan karto horyaalka haddana xiddigaha tababare Zidane ayaan lahayn wax calaamado ah oo muujinaysa inay hoos usoo dagi doonaan.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Samuel Umtiti ayaa wali daawayn dhinaca jilibka oo uu xanuun ka dareemayo ah qaadanaya taas oo ka dhigan inay markale daafaca dhexe ku midoobi doonaan Gerard Pique iyo Clement Lenglet.

Sidoo kale waxa wali dhaawacyo ku maqan Ousmane Dembele iyo Frankie De Jong halka daafaca bidix ee Junior Firpo oo dhaawac feedhaha ahi gaadhay uusan kusoo bixin liiskii kulankan.

Tababare Quique Setien ayaa dooran kara inuusan shaxdiisii kulankii Villarreal waxba ka bedelin walow uu Ivan Rakitic dookh kale yahay haddii loo baahdo in dhexda isbedel lagu sameeyo.

Dhinaca Espanyol, tababare Rufete ayaa waayaya weeraryahanka kooxdiisa ee Jonathan Calleri kaddib markii uu kaadhka cas qaatay kulankii Leganes.

Qaab Ciyaareedkii Labada Dhinac Ee Kulankan Kahor

Espanyol ayaa lixdii kulan ee ugu dambeeyay shan kamid ah guuldarro lasoo kulantay isla markaana hal mar bar-bardhac gashay halka ay Barca saddex bar-bardhac iyo saddex guulood kasoo heshay lixdeedii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka.

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA DHINAC

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Pique, Lenglet, Alba; Roberto, Busquets, Vidal; Messi; Suarez, Griezmann

Espanyol :Diego Lopez; J. Lopez, Espinosa, Cabrera, Vila; Roca, David Lopez; Melendo, Darder, Embarba, Tomas

XOGTA KOOBAN EE KULANKA

Kulanka: Barcelona vs Espanyol (Catalan Derby)

Garoonka: Camp Nou

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII