Hordhac: Barcelona Vs Bayern Munich Kulankooda Champions League, Shaxda, iyo Xidigaha ka maqan labada dhinac

kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku soo dhaweeneysa kooxda Reer Germany ee Baryern Munich kulan ka tirsan Champions league Group-ka E,

Wararka Labada Kooxood

Barcelona: Martin Braithwaite ayaa dhaawac muddo dheer ah soo gaaray todobaadkii hore waxaana laga saaray kulankaan. Iyadoo weeraryahanka reer Denmark uusan diyaar ahayn Ansu Fati oo aan weli dhameystirin soo kabsashadiisa ayaa sidoo kale maqan, saxiixa cusub ee Luuk de Jong ayaa laga yaabaa inuu safto kulankiisii ​​ugu horreeyey ee Bayern Munich.

Ousmane Dembele iyo Sergio Aguero ayaa sidoo kale dhaawacan waxayna weli dhaawacan yihiin kulankaan. Sergino Dest ayaa jug soo gaartay intii lagu jiray fasaxa xulalka waxaana laga yaabaa inuu bedelo Sergi Roberto toddobaadkan.

Payern Munich: Serge Gnabry ayaa garoonka laga saaray kulankii RB Leipzig isbuucaan mana u badna inuu qeyb ka ciyaari doono kulankaan. Jamal Musiala iyo Leroy Sane ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkan waana inay la saftaan Robert Lewandowski oo weerarka Bayern Munich ah.

Kingsley Coman iyo Corentin Tolisso ayaa dhaawacan hadda mana awoodi doonaan inay ka soo muuqdaan kulankan. Joshua Kimmich iyo Leon Goretzka ayaa kulankoodii hore si weyn u maamulay qadka dhexe waxayna mar kale doonayaan in Barcelona cashir kale u dhigaan.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Barcelona (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Jordi Alba, Gerard Pique, Ronald Araujo, Sergi Roberto; Sergio Busquets, Frenkie de Jong, Pedri; Philippe Coutinho, Memphis Depay , Luuk de Jong

Bayern Munich XI (4-2-3-1): Manuel Neuer; Alphonso Davies, Lucas Hernandez, Dayot Upamecano, Benjamin Pavard; Joshua Kimmich, Leon Goretzka; Thomas Muller, Jamal Musiala, Leroy Sane; Robert Lewandowski

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

Bayern Munich ayaa rikoor aan caadi aheyn ka heysata Barcelona waxaana ay badisay sideed ka mid ah 13 kulan oo rasmi ah oo ay wada ciyaareen labada kooxood. 

Barcelona ayaa badisay kaliya seddex guul oo ay ka gaareen Bayern Munich waxayna u baahan doonaan inay sare u qaadaan guulahooda.

Kulankii hore ee dhex maray labada koox ee reer Yurub ayaa ku soo dhamaaday  8-2 oo ay guusha ku raacday Bayern Munich.

Barcelona ayaa diiwaangelisay guuldaradii abid ugu xumeyd kulan ka tirsan UEFA Champions League maalintaas.

Barcelona Vs Bayern Munich

Tartanka Champions league

Saacada (22:00pm Somaliya) (21:00pm Yurub)

Garoonka Camp Nou

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com