HORDHAC: Arsenal vs Watford, Newcastle vs Liverpool, Man City vs Norwich City – Saddexda Kooxood Ee Saddex Ujeedo Kala Leh & Shaxaha Macquulka Ah

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Man City ayaa fiidka caawa la kala ciyaaraya dhigooda Watford, Newcastle United iyo Norwich City sida ay u kala horreeyaan iyadoo saddexda kooxood ujeedooyin kala duwan leeyihiin.

Aan ku bilawnee Arsenal ayaa diyaar u ah guul ay xilli ciyaareedka kusoo xidhato oo ay niyad kusii hesho kahor Final-ka FA Cup, Liverpool ayaa doonaysa inay qurux ku dhammaysato xilli ciyaareed dahabi u ahaa halka sida uu Guardiola sheegay uu City ka rabo ugu yaraan saddex gool si ay xilli ciyaareed kale 100 gool u gaadhaan iyagoo hadda 97 leh.

Arsenal vs Watford

Watford ayaa maanta ka xaadiraysa gegida Emirates Stadium iyagoo ogsoon inay guul ama bar-bardhac iyo kooxaha ay is hayaan oo laga badiyo ay ka caawin doonto inay baaqi kusii ahaadaan Premier League.

Advertisements

Hornets oo tababare la’aan ah isla markaana uu ku xigeenkii sii haysto hadda ayaa booska 18-aad ku jira iyagoo farqiga goolasha kaga dambeeya Aston Villa halka Gunners ay booska 10-aad ka joogaan miiska kala sarreynta.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Mateo Guendouiz iyo Mesut Ozil ayaa labaduba toddobaadyadii ugu dambeeyay wax fursad ah ka waayay tababare Mikel Arteta waxaana la filayaa inay taasi sii socon doonto.

Arsenal ayay dhaawacyo wali kaga sii maqnaan doonaan Bernd Leno, Calum Chambers, Pablo Mari, Gabriel Martinelli iyo Shkordan Mustafi halka uu taam ahaanshaha Reiss Nelson shaki ku jiro.

Iyadoo ay maanta iyo Final-ka FA Cup lix maalmood u dambeeyaa ayuu tababare Mikel Arteta fursad u haystaa inuu shaxdiisa ugu xoogan kusoo shirtago oo uusan wax nasiimo ah samayn.

Dhinaca Watford ayay ka maqnaan doonaan Gerard Deulofeu, Daryl Janmaat, Isaac Success iyo Capoue oo dhammaantood dhaawacyo qaba.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Dhinac

Arsenal: Martinez; Holding, Luiz, Tierney; Bellerin, Ceballos, Xhaka, Saka; Pepe, Lacazette, Aubameyang

Watford: Foster; Mariappa, Kabasele, Dawson, Masina; Doucoure, Chalobah, Hughes; Sarr, Deeney, Welbeck

Xogta Kooban Ee Kulanka

Ciyaarta: Arsenal vs Watford

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Wakhtiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Newcastle United vs Liverpool 

Liverpool ayaa galabta booqanaysa kooxda Newcastle United iyagoo doonaya inay si wanaagsan kusoo xidhaan xilli ciyaareedkan oo ay kusoo guuleysteen horyaalka Premier League.

Reds ayaa ugu dambayn koobka Premier League kor u qaaday kuna dabaaldegay kaddib guul ay ka gaadheen Chelsea waxaana ay maanta booqanayaan Magpies oo shantii kulan ee ugu dambeeyay aan guul arag.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Liverpool ayay markale ka maqnaan doonaan Jordan Henderson oo dhawaan kusoo guuleystay abaalmarinta FWA ee qoraayada kubadda cagta iyo Joel Matip.

Dejan Lovern oo ku dhaw inuu heshiis 11 Milyan oo Pound ah ugu wareego kooxda Zenit iyo Adam Lallana ayuu labadaba u noqon karaa kulamadoodii macasalaamanyta ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaarayaan maaliyada Reds.

Newcastle ayaa wajahaysa musiibo dhaawacyo ah iyadoo xiddigaha kala aj Jamaal Lascelles, Fabian Schar, Clark, Paul Dummett iyo Lejeune dhammaantood ay maqnaanayaan.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Dhinac

Newcastle United: Dubravka; Manquillo, Fernandez, Hayden, Rose, Ritchie; Shelvey, Bentaleb, Almiron; Saint-Maximin, Joelinton

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Wijnaldum, Fabinho, Keita; Salah, Firmino, Mane

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Newcastle United vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Garoonka: St James’ Park

Wakhitiga: 6:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Man City vs Norwich City

Labada kooxood oo ay u dhaxeeyaan 57 dhibcood oo Premier League ahi ayaa galabta fooda is dari doona iyadoo ay Manchester City gegida Etihad Stadium kusoo dhawaynayso kooxda Norwich City.

Labada kooxood ee kulankan tegaya iyagoo sharaf iyo saddex dhibcood uun u ciyaaraya, inay Norwich horyaalka heerka labaad u dhacday ayaa la xaqiijiyay halka inay City booska labaad kaga dhammaysatay Premier League la xaqiijiyay.

Wararka Labada Dhinac Ee Kulanka Kahor

Tababare Pep Guardiola ayuu wali kasii maqnaan doonaa Sergio Aguero kulankan balse tababaraha ayaa niyad wanaagsan ka muujiyay inuu taam u noqon doono ciyaarta Champions League ee Real Madrid.

Sidoo kale goolhaye Claudio Bravo ayaa ah ciyaaryahan kale oo maqnaan doona balse goolhayaha ree Chile ayaan marka horeba cadaadis saarayn Ederson Moraes.

Khadka dhexe ee ruug-caddaaga ah ee David Silva ayaa la filayaa inuu kulankiisii ugu dambeeyay ee Premier League ah kusoo bilaaban doono si lamid ah Riyad Mahrez ayaa la filayaa inuu kusoo laaban doono garabka midig.

Dhinaca Norwich waxa ganaax ku maqnaana Buendia iyo Drmic oo casaano qaatay kulankii Burnley halka ay dhaawacyo ku seegayaan ciyaartan Byram, Hanley, Leitner, Klose iyo Tettey.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Dhinac

Man City: Ederson; Cancelo, Laporte, Garcia, Mendy; Gundogan, De Bruyne, D. Silva; Mahrez, Jesus, Sterling

Norwich: Krul; Aarons, Godfrey, Zimmermann, Lewis; Vrancic, McLean; Cantwell, Stiepermann, Hernandez; Pukki

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Man City vs Norwich

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Wakhtiga: 6:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII