Hordhac: Arsenal Vs Norwich City ee Horyaalka Premier League, Shaxda Kulanka iyo Xidigaha dhaawaca ah

Kooxda Arsenal ayaa garoonkeeda ku soo dhaweeneysa kooxda Norwich City kulan ka tirsan Horyaalka Premier league, Gunners ayaa kulankan ciyaareysa iyadoo laga badiyay kulamadeeda horyaalka ee ay ciyaarta iyadoo xaalka uu ku xunyahay macalinka kooxda Arteta,

Wararka Labada Kooxood

Arsenal

Kooxda martida loo yahay waxaa xoojiyay soo laabashada buuxa ee ciyaartoydii muhiimka ahaa sida Ben White iyo Thomas Partey.

Mohamed Elneny ayaa ah xidiga kaliya ee ka welwelsan dhaawac muruqa ah, halka Sead Kolasinac uu mari doono baaritaan dambe si loo ogaado xaaladiisa.

Emile-Smith Rowe ayaa ka tagay xerada 21 jirada England kadib markii uu dareemay caafimaad darro waxaana shaki laga muujinayaa booqashada Norwich. Granit Xhaka ayaa laga helay cudurka COVID-19 intii uu ku maqnaa waajibaadka caalamiga ah laakiin mar hore ayaa la ganaaxay ka dib markii uu kaarka cas qaatay kulankii Manchester City.

Norwich

Bali Mumba iyo Sam Byram ayaa laga saaray dhaawacyada jilibka iyo bowdada siday u kala horreeyaan. Przemyslaw Placheta wuxuu hadda ku jiraa go’doon kadib markii laga helay COVID-19.

Christos Tzolis ayaa mari doona tijaabo taam ahaansho oo soo daahay dhaawicii kubka.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Arsenal XI (4-2-3-1) : Bernd Leno (GK); Kieran Tierney, Rob Holding, Ben White, Cedric Soares; Albert Lokonga, Thomas Partey; Bukayo Saka, Martin Odegaard, Pierre-Emerick Aubameynag; Alexandre Lacazette

Norwich XI (4-3-3) : Tim Krul (GK); Brandon Williams, Ben Gibson, Grant Hanley, Max Aarons; Kenney McLean, Billy Gilmour, Pierre Lees-Melou; Milot Rashica, Teemu Pukki, Todd Cantwell

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Labada kooxood ayaa horay u ciyaaray 57 jeer , kooxda Arsenal ayaana leh rikoorka ugu fiican iyagoo badiyay 27 jeer.

Norwich City ayaa badisay 10 jeer halka 20 kulan oo hore ay ku soo dhamaadeen bar-baro.

Kulankoodii ugu dambeeyay ayay ciyaareen maalintii 32-aad ee xilli ciyaareedka 2019-20 markaasoo Pierre-Emerick Aubamayang uu dhaliyay labo gool oo kamid ah 4-0 gool oo Arsenal ku badisay.

Arsenal vs Norwich City

Tartanka Premier League

Saacada 17:00 pm Africa, Europe 16:00 pm

Garoonka Emirates Stadium

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com