Hordhac: Ac Milan Vs Lazio Kulanka ugu Adag Serie A Todobaadkan, Shaxda iyo Kulamada kale

Kooxda Ac Milan ayaa garoonkeeda San Siro Ku soo dhaweeneysa Kooxda Lazio Kulan ka tirsan Horyaalka Serie A Dalka Taliyaaniga, Ac Milan ayaa Kulankaan Ciyaareysa iyadoo Lugtii hore guul 4-1 kasoo gaartay Kooxda Cagliari.

Wararka Labada Kooxood

Ac Milan: Zlatan Ibrahimovic iyo Franck Kessie ayaa ka soo kabsaday dhaawacyadooda waxaana lagu wadaa inay ciyaarta ku soo bilowdaan.

Jimcihii, Olivier Giroud ayaa laga baadhay cudurka coronavirus kadib markii uu ku dhacay cudurka bilowgii fasaxa caalamiga ah. Ma cadda haddii uu taam u noqon doono inuu ka soo muuqdo kursiga keydka kulanka Lazio. Maanta, wuxuu mari doonaa baaritaan caafimaad sida ku cad hab -maamuuska dowladda Talyaaniga si uu ugu laabto howlaha isboortiga.

Lazio: Ciro Immobile ayaa seddexleey cajiib ah ka dhaliyay Spezia wuxuuna qarka u saaran yahay inuu la wadaago Pedro iyo Felipe Anderson kulanka AC Milan. Lazio uma badna inay isbedel weyn ku sameyn doonto kooxdooda kulankaan.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

AC Milan XI (4-2-3-1): Mike Maignan; Theo Hernandez, Fikayo Tomori, Simon Kjaer, Davide Calabria; Sandro Tonali, Franck Kessie; Brahim Diaz, Rafael Leao, Alexis Saelemaekers; Zlatan Ibrahimovic.

Lazio XI (4-3-3): Pepe Reina; Elseid Hysaj, Francesco Acerbi, Luiz Felipe, Adam Marusic; Lucas Leiva, Sergej Milinkovic-Savic, Luis Alberto; Felipe Anderson, Pedro, Ciro Immobile

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

AC Milan ayaa rikoor fiican ka heysata Lazio waxayna badisay 25 ka mid ah 56 kulan oo ay wada ciyaareen labada kooxood. 

Lazio ayaa 11 guul ka gaartay AC Milan waxayna u baahan doontaa inay guul ka gaarto Kulankan.

Kulankii hore ee labada kooxood ayaa dhacay bishii April ee sanadkan wuxuuna ku soo dhamaaday 3-0 oo ay ku badisay Lazio. 

Ac Milan Vs Lazio 

Tartanka Serie A

Saacada (19:00 pm Somalia) (18:00 Pm Yurub)

Garoonka San Siro

Kulamada Kale ee Laga Ciyaarayo Serie A 

Sampdoria Vs Inter Milan 

Tartanka Serie A

Saacada (13:30 pm Somalia) (12:30 Pm Yurub)

Garoonka Stadio Luigi Ferraris

Roma Vs Sassuolo

Tartanka Serie A

Saacada (21:45 pm Somalia) (20:45 Pm Yurub)

Garoonka Olympic Stadium, Rome

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com