Hordhac: AC Milan Vs Atletico Madrid Kulankooda Champions league Guruub-ka B, Zlatan Ibrahimovic iyo Xidigaha kale ee maqan

AC Milan iyo Atletico Madrid ayaa labaduba raadin doona guushoodii ugu horreysay ee Champions League 2021-2022 inta lagu guda jiro kulanka Group B ee San Siro.

Kooxda Stefano Pioli ayaa guuldarro 3-2 kala kulantay kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool furitaanka koobka , halka Atletico ay barbaro goolal la’aan ah la gashay Porto.

Wararka Labada Kooxood

Ac Milan: Zlatan Ibrahimovic wuxuu sii wadaa inuu la halgamo dhibaatada dhaawac ee uu qabo mana soo laaban doono ilaa fasaxa caalamiga ah kadib. Simon Kjaer ayaa fursad u haysta inuu ciyaaro kulankan.

Tiemoue Bakayoko, Rade Krunic iyo Alessandro Florenzi ayaa dhaawac ku seegay kulankan.

Davide Calabria ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto daafaca midig ka dib markii uu ku soo laabtay garoomada kulankii Spezia ee Sabtidii.

Atletico Madrid: Stefan Savic ayaa ganaax ku maqan, iyadoo Jose Gimenez la filayo inuu ka garab ciyaaro Felipe iyo Mario Hermoso oo difaaca ah.

Thomas Lemar ayaa dhaawac ku seegi doona kulankaan, laakiin Diego Simeone wax walaac ah kama qabo kulankan.

Simeone ayaa laga yaabaa inuu ku bilaabo Joao Felix weerarka isagoo ka garab ciyaaraya Luis Suarez.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

AC Milan: Maignan; Calabria, Tomori, Romagnoli, Hernandez; Kessie, Bennacer; Saelemaekers, Diaz, Rebic; Giroud

Atletico Madrid: Oblak; Gimenez, Felipe, Hermoso; Trippier, Llorente, Koke, De Paul, Carrasco; Suarez, Felix

Xaqiiqooyinka Labada Kooxood

AC Milan iyo Atlético Madrid kulanka kaliya ee ay hore u kulmeen waxay aheyd 2013-14 UEFA Champions League, halkaas oo kooxda reer Talyaani lumiyeen labada lugood waxaana lagu reebay wareegga 16-ka.

kulankan waa kulankii shanaad ee Atlético Madrid ay kula ciyaarto kooxaha Talyaaniga tartanka UEFA Champions League intii uu Diego Simeone hogaaminayay. Tan iyo markii ay badisay midkii ugu horreeyay (1-0 v AC Milan bishii Febraayo 2014), Atlético ayaa ku guuldarreysatay inay guuleysato mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay iyadoon wax gool ah dhalin (barbaro 2 laga badiyay 2).

AC Milan ayaa badisay kaliya mid ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay wajahday kooxaha Spain tartamada yurub (7 barbaro iyo 9 guuldarro), halka aysan wax guul ah gaarin 7-dii kulan tan iyo guushii kaliya ee ay gaareen-2-0 v Barcelona bishii February 2013.

AC Milan Vs Atletico Madrid

Tartanka  Champions league

Saacada (22:00pm Somalia) (21:00pm Yurub)

Garoonka San Siro

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com