Hogaamiye Saameyn Ku Lahaa Al Shabaab Oo Lagu Dilay Duleedka Kismaayo

Laamaha Amniga Jubbaland ayaa waxay sheegeen in owlgal qorsheysan ay ka fuliyeen Duleedka Kismaayo lagu dilay Xubno katirsanaa Al Shabaab.

Waxay Sheegeen saraakiisha in howlgaka uu ahaa mid laga fuliyey Deegaank Beerxaani Ee galbeedka Kismaayo dhaca.

Nin magaciisa lagu soo gaabiyey Cali oo Al Shabaab Hogaankooda Saameynta ku lahaa Gobolka Jubbada Hoose lagu dilay Howlgalkaasi.

Sargaalka Shabaabka la dilay ayaa qeybta Maaliyada inuu uqaabilsanaa Baadiyaha Jubada Hoose.

Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland C/nuur Ibraahim ayaa ku faanay in Howlgalkaan udhacay sidii loogu talo galay.

Waa Labo Cisho ee gudaheed markii Jubbaland ay Sheegeen inay dileen Xubno katirsan Shabaab,dhawaan ayaa sidaan o kale howlgal looga fuliyey Baadiyaha Cabdalla Biroole,isla duleedka Kismaayo.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here