Warbixin dheer oo uu soo saaray Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa si qota dheer looga hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya, iyadoo warbixintan ay dul istaagtay tallaabooyinkii u dambeeyey ee loo qaaday dhanka arrimaha doorashada dalka.

Warbixinta Heritage waxaa lagu sheegay in markii asbuucii hore uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya soo magacaabay Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka dalka, ay u soo hormartay tilmaan muujinaysa waxa laga fili karo doorashada soo socota ee baarlamaanka iyo midda madaxweynaha ee dalka taas oo ah, “dib ugu noqosho wax isdabamarin baahsan oo lamid ah doorashadii 2016-kii.”

“Guddiga la yiri doorasho ayay qabanayaan waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo midka Ra’iisul Wasaaraha, saraakiil xafiisyada madaxda dowlad goboleedyada, diblomaasiyiin, saraakiil amni iyo shaqaale dowladeed,” ayaa lagu yiri warbixintan Machadka Heritage oo dheer.

“Magacaabistaasi waxa ay ka hor imaanaysaa heshiiskii bishii September ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu doorashada ka galeen, kaas oo tilmaamayey in dhinac kastaa uu magacaabi doono xubno dhexdhexaad ah oo dadka Soomaaliyeed kalsooni ku qabi karaan. Dadka hadda guddiyaasha doorashada loo magacaabay ma ahan oo kaliya inay yihiin dad madaxda kala duwan ku kala xiran, balse waa dad guddiyadaas loogu daray oo kaliya inay ka shaqeeyaan maslaxadda madaxda magacaabatay ee heer federal ama heer dowlad goboleed,” ayaa lagu yiri.

Qoraalka Heritage ayaa intaas ku sii daray,“Nasiib darro, habkani, waa hannaankii la isticmaalay 2016-kii oo waa ayadii saraakiil ku dhaweyd madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyadu ay hoggaaminayeen isla markaana boobayeen doorashii 2016-ka, kuwaas oo doorashadaas ka dhigay mid musuq xoog iyo xaqdarro harraysay. Sidaas oo ay tahay, wax isdaba marintii doorashadii 2016-ka kuwii ka danbeeyey wax weyn kama aysan faa’iidin, laakiin waxaa xildhibaanno laga dhigay in badan oo kamid ah kuwii ay u xaglinayeen madaxdii dowladaha (heer federaal iyo heer maamul goboleed) iyo masuuliyiintii ay doorashada u dhiibteen.”

“Boobka doorashadii 2016-kii waxa uu ahaa mid mahadhooyin reebay ilaa haddana Soomaali ay hadal hayso, sida loo doonayo in doorashada 2020 loo boobana waxay u eg tahay in boobkii 2016-kii uu noqon doono i qarso.”

“Waxaa jira tilmaamo badan oo muujinaya in madaxda federaalka iyo kuwa gobolladu ay doonayaan inay mar kale doorashada u musuqmaasuqaan sidii doorashadii 2016-dii loo musuqay, iyagoo quud darraynaya inay guul ku gaari karaan boobka doorashada,” ayaa lagu yiri warbixintan.

“Nasiib darro, boobka iyo musuqa doorashadu waxa uu macno dilayaa hannaanka doorashada iyo dowladnimada, waxa uuna shacabka dhaxalsiinayaa inay ka quustaan dowlanimada iyo inay ka aamin baxaan inta siyaasadda ku jirta. Taasina waxay caqabad ku noqonaysaa dhisidda qaran dimuqraadi ah. In shacabku kalsooni ku qabaan hannaanka doorashooyinkana waxay lagama maarmaan u tahay in Soomaaliya ay nabad hesho qaranna uu u dhismo.”

“Machadka Heritage waxa uu ahaa mid kamid ah hay’adihii ugu horreeyey ee ku taliyey inuu dalku galo doorasho la hirgelin karo oo ku timid wadatashi saamileyda oo idil ah, intii lagu mashquuli lahaa doorasho aan hirgeli-doonin oo hal qof iyo hal cod ah. Sidii aan ku tilmaannay daraasaddeennii Juulaay 2019, dooddii ahayd waxaa la qabanayaa doorasho qof iyo cod ah, waxay ahayd mid hiigsi iyo han uun ah ee aan xaqiiqo ku salaysnayn, waxaana u ololeynayay siyaasiyiin quud darraynayey in ay daahid keento, taasina wakhti kordhin ay u dhasho.”

“Nasiib darro, markii muddo kororsi huwan doorasho qof iyo cod ah uu hirgeli waayey, siyaasiyiintii waxay la yimaaddeen tab cusub oo ah in guddiyada doorashada laga soo buuxiyo saraakiil taabacsan madaxda dalka ee heer federal iyo heer maamul goboleed, taas oo ujeedka laga lee yahay kaliya uu yahay in doorashada lagu shubto.”

“Haddaba, mar kale ayaan qaylo dhaan ka diraynaa ku noqoshada waddadii hungada ee masuul kasta oo federaalka ka taliya ama gobollada xukuma ay isku dayayeen inay qabtaan doorasho iyaga ku jaan go’an,” ayaa lagu yiri warbixinta Machadka Heritage.

“Ceebtii, cawaaqib xumadii iyo mirihii qaraaraa ee laga gurtay doorashadii 2016-ka ayaa dalka weli daba socda, waxayna reebeen ceeb iyo kala irdhow bulsho. Amniga iyo xasilka dalka ayayna caqabad ku tahay in lagu dhaqaaqo in la musuqmaasuqo doorashada 2020-ka. “

“Mana ahan oo kaliya guddiga federaalka ee doorashooyinka waxa hal dhinac ka raran, ee guddiyada doorashooyinka heer maamul-goboleed, oo ah kuwa inta badan doorashooyinka maamulaya, ayaa iyana ah kuwo aan la aqbali karin. Dhammaan madaxda gobolladu waxa ay magacaabeen dad madaxweynayaashu ay xusheen iyaga oo si qarsi la’aan ah u doonaya inay hub ahaan u isticmaalaan guddiyadaas si maxsuulka doorashadu uu u noqdo mid la falkiyey”.

“Guddiyadii doorashada ee heer maamul goboleed ayayba ahaayeen 2016 kuwii hoggaaminayey doorashooyinkaas lagu takri falay. Haddana, ifafaalihii in la saaran yahay waddadii 2016-ka ee doorasho boobidda, waa muuqataa, inay kasii daran tahay ayaadba mooddaa.”

Khaladaadka kale ee hirgelinta doorashooyinka

“Marka laga soo tago guddiyada doorashada heer federal iyo heer maamul goboleed ee dhinaca ka raran,waxaa jira wareersanaan badan oo ku jira hannaanka doorashada 2020-ka. Ugu horrayn, markaad eegto kharashka lagu xiray musharixiinta labada aqal ee baarlamaanka, waxaa laga doonayaa qofkii u tartamaya Aqalka Sare lacag dhan 20 kun oo dollar, halka qofka u sharraxan Golaha Shacabka lagu xiray 10 kun oo dollar, waana lacag ka badan boqolkiiba laba kun ama boqolkiiba kun dakhliga guud ee qofka Soomaaliyeed.”

Warbixinta Heritage ayaa intaas ku sii dartay “Inkastoo shuruudda lacagta lagu sababeeyey baahi loo qabo in dalku wax ka bixiyo kharashka doorashada, waxa ka ratibmaya in lacag sidaas u badan la isku xiro waa muuqataa: Waa farriin ah in doorashada ay galin karaan oo kaliya ama waxaa xil siyaasadeed qaban kara oo kaliya inta kooban ee heli karta lacagtaas ama qofkii ay dad kale maal gashadaan. Inta badan dadka u tartami kara 329-ka kursi ee labada aqal, ma heli karaan lacagaha doorashada ku gadaaman, waxayna ku khasbanaan doonaan inay maalgashi raadsadaan, kuwaas oo maal-galintooda cod-siin ku baddalanaya.”

“Si kale haddii loo yiraahdo, mulkiilayaasha siyaasadda dalka (inta lacagta siyaasadda u isticmaasha) waxay abuureen xaalad cidda doorasho xildhibaan geli karta iyo cidda mid madaxweyne geli kartaba ay iyaga hagaan (maaddaama ay lacag ku xiran tahay) ayna ka macashaan. Oo weliba, haddii musharixiinta baarlamaanka labadiisa aqal ay bixiyaan lacagtaas aadka u badan, badankoodu ma guulaysan doonaan, in kooban ayaana ka soo dhex bixi doonta tartarka musuqa ah, weliba iyagoo qaamaysan, soona diirteen 101 codbixiye oo hadda mindiyahooda sii soofeysanayaa” ayaa lagu yiri.

“Markii xildhibaannadaas gobollada laga soo doortay ay Muqdisho soo gaaraan, si ay madaxweyne u doortaan, hankooda waxaa hagaya lacag ka uruursi musharrax kasta oo madaxweyne si ay u deyn baxaan, si ay Muqdisho u degaan iyaga oo dowlad u eg, ayna dhaqaale dhigaal ah u keydsadaan, si ay ugu baxsadaan afarta sano ee oomanaha ah ee ku soo fool leh. Waxaas oo dhammina waxay muujinayaan in musuqmaasuqa hadda socda, inuu gogol xaar u yahay mid kasii fool xun oo dalku kusii siqayo. Xaqiiqooyinka aan halkaan ku tilmaamayno oo aan dad badan ka dahsoonayn waxay daboolka ka qaadayaan qurunka iyo dacarta ay noqotay doorashada Soomaaliya.”

“Doorashooyinkii baarlamaanku waxay lamid noqdeen kuwii madaxweynaha. Waxaana is xusuusin mudan in habkan musuqa iyo boobka iyo sarriig la’aanta ah aysan cidna ka faa’iidin – xitaa qofkii ku guulaysta madaxweynanimada dalka, maaddaama uu ku sumcad beelayo bixinta laaluushka ayna taasi ka horistaageyso inuu la dagaallamo musuqmaasuqa, maaddaama uu isaguba yahay natiijada laaluush xargo goostay.”

“Dhab ahaantiina, cidda khasaaraha ugu weyn uu kasoo gaarayo, dad cunnimada xilliga doorashada dhacda oo musuqa iyo laaluushka iyo boobka la xalaalaysto, waa dadka Soomaaliyeed, oo hoggaamiyayaashoodu ay sidaas u dhasheen. Sidaas oo ay tahay, musuqmaasuqu waa hal qayb oo ka mid ah khaladaadka doorashadaan ku gadaaman. Habkaan doorasho ee la qaatay waa mid ka dhar la’ isla xisaabtan, hufnaan iyo korjoogteyn lagu dhawrayo xornimada iyo xalaalnimada doorashada 2020-ka. Badanaa guddiga xallinta khilaafaadka ayaa ahaa mid wixii la isku qabsado loo bandhigo si uu waardiye uga ahaado boobka aan gabbaadka lahayna” ayaa lagu yiri warbixinta Heritage.

“Laakiin sidii guddiyada heer federal iyo heer maamul goboleed ay u noqdeen kuwa ku kala xiran madaxda labada heer dowladeed, ayaa guddiga khilaafaadka doorashaduna uu yahay mid laga soo buuxiyey shaqaalaha, saaxiibada iyo gacan-yarayaasha madaxda federaalka iyo kuwa gobollada. Maxkamadaha Muqdishana ma lahan awood iyo sumcad ay doorashada ku garsooraan, taasina waxay hannaanka doorashada oo dhan ka dhigaysaa mid u nugul musuqmaasuq iyo boob.”

“Sannadkii 2016, guddiga hufnaanta ayaa la sameeyay, waxaana waajibkooda kamid ahaa inay korjoogteeyaan isla markaana ka warbixiyaan hannaanka doorashada. Waxaa hoggaaminayay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ah aqoonyahan aad loo ixtiraamo, laguna yaqaanno inuusan cidna uga gabban sarreynta sharciga. Inkastoo awoodda guddigu ay xaddidneyd, haddana warbixintoodii kama dambeysta ah waxaa loo arkay midda ugu hufan ee kasoo baxda hannaanka doorashada.”

“Guddigu wuxuu qoray inuu jiray musuqmaasuq, handadaad iyo boob codad oo nidaamsan, gaar ahaan doorashada baarlamaanka, waxaana kaalin muuqata ku lahaa guddiga heer gobol ee SEIT. Sannadkan, ma jiro guddi hufnaan oo laga fekeray, taasina waxay shacabka Soomaaliyeed ka qadin doontaa halka warbixin ee sida daacadda ah uga hadleysa musuqmaasuq baahsan. Doorkaan, mushkiladda waxaa sii xoojinaya kaalinta ciidanka amnigu ay ku leeyihiin hannaanka doorashada.”

“Saraakiil ka tirsan hey’adaha amniga ayaa loo magacaabay FEIT iyo SEIT, taas oo fursad u siineysa in ay hagaan nidaamka doorashada. Ma jiro qiimo ay ciidanku kusoo kordhinayaan hannaanka doorashada oo aan ka aheyn handadaadda ergada iyo musharrixiinta si ay codkooda u weeciyaan. Inkastoo hannaanka sannadkan uusan waxba uga duwaneyn 2016-dii, haddana siyaasadeynta ciidamada ayaa la dhihi karaa waa tallaabada kaliya ee hal-abuur khaldan ka muuqdo ee lasoo kordhiyay tookadan.”

Awoodda madaxda dowlad goboleedyada

“Sidii 2016-kii oo kale, madaxda dowlad goboleedyada ayaa la siiyay awood xad-dhaaf ah, gaar ahaan xulidda Aqalka Sare. Tusaale ahaan, madaxda dowlad goboleedyada waxay u diidi karaan qofka aysan rabin inuu xitaa u tartamo Aqalka Sare. Xitaa haddii musharraxaasi soo dhammeystiray shuruudaha laga doonayo (diyaarna u yahay inuu ku khamaaro $20,000), si fudud ayaa looga hor istaagi karaa inuu tartamo” ayaa lagu yiri warbixintan.

“Dhaqanka waa mid kahor imaanaya dastuurka qabyada ah, kaas oo ilaalinaya xuquuqda muwaaddinku u leeyahay inuu isku sharroxo kuraasta dalka. Sidoo kale, dhaqankan wuxuu bar madow ku yahay hannaanka doorashada dalkeenna, waxayna dadka intooda badan ka rajo qabeen in tookadan laga saaro nidaamka doorashada.”

“Marka la eego nidaamka siyaasadda dalka, mudanayaasha Aqalka Sare waxaa laga filayaa inay matalaan dowlad goboleedka, taasina waa loo qaateen. Ha yeeshee, madaxda dowlad goboleedyada waxay taas ku dhex milaan rabitaankooda ah in senator-ku Xamar ku matalo hanka siyaasadeed ee madaxweynaha dowlad goboleedka, kana billaabo doorashada madaxweynaha dalka, soconeysana afarta sano ee senator-ku xilka hayo. Taasi waxay senator-ka ka dhigeysaa mid u dabran aragtida gaarka ah ee madaxweynaha gobolka. Haddii uu ka weecdana, waxaa taasi horseedi kartaa ciqaab ay kamid tahay waayidda kursiga.” Ayaa lagu yiri.

“Madaxda dowlad goboleedyada waxay sidoo kale saameyn qara weyn ku leeyihin doorashada xubnaha Golaha Shacabka, maaddaama ay iyagu soo magacaabeen siddeed kamid ah 11-ka guddiga SEIT. Iyagoo ku gabbanaya daaha gadaashiisa, waxay inta badan si toos ah u go’aamiyeen cidda ku guuleysata tartanka Golaha Shacabka. Waxayna howshaas iska xijiyaan guddiga SEIT. Taas waxaa kasii daran in kalkan loo oggolaaday madaxda dowlad goboleedyada inay si toos ah usoo magacaabaan tiro aan la cayimin oo ka tirsan ergada 101-da ah ee dooranaya xildhibaanka, waxayna tallaabadani xaqiijineysaa inay natiijada xakameeyaan. Si kale haddii loo yiraahdo, madaxda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada waxay ku heshiiyeen inay isla dhacaan doorashada kalkan.”

“Musharrixiinta u tartamaya xubnaha Somaliland ayaa iyagu ku jira halis ka badan midda xubnaha kale ee dalka, maxaa yeelay doorashadoodu waxay ka dhaceysaa Muqdisho, halkaas oo ay marti u yihiin ugaarsiga dowladda federaalka ah. Guddiga SEIT ee loo magacaabay inuu maamulo doorashada Somaliland ayaa durba waxaa ka qayliyey guddoomiyaha Aqalka Sare iyo mucaaradka intiisa badan, iyagoo ku sifeeyay inay yihiin kuwa dhinac u janjeera oo aan la aamini karin. Mar kale, tani waxay lamid tahay wixii dhacay 2016, xilligaas oo si weyn loo boobay kuraasta Somaliland.” Ayaa lagu yiri warbixintan.

 Talooyin

“Dimoqraadiyaddu waa hannaan isku yaacsan, gaar ahaan marka lagu dabbaqo dalalka sida Soomaaliya oo kale u nugul. Si kastaba ha ahaatee, boobka kuraasta waa laga fogaan karaa si loo ilaaliyo sharcinimada iyo sumcadda dimoqraadiyaddeenna curdanka ah. Waxaan soo jeedineynaa tallaabooyinkan, si loo gaaro hadafkaas:

1 –Guddiyada FEIT, SEIT iyo xallinta khilaafaadka ee laga soo buuxiyey shaqaalaha iyo taageerayaasha madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedka, waa in la kala diro, laguna beddelo guddi ay ku jiraan shakhsiyaad sumcad ku dhex leh bulshada. Haddii madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada aysan awoodin inay magacaaban guddi dhexdhexaad ah, walba ha soo magacaabaan guddi ay iska arki karaan dhammaan saamileyda siyaasadda, oo ay mucaaradku ku jiraan. Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedku ma noqon karaan qaalliga iyo xeer beegtida doorashada soo socota. Hannaan walba oo tartan xalaal ah laga rabana waa inuu ugu yaraan halbeeggaas yeeshaa.

2 –Waxaan soo jeedineynaa in dowlad goboleed walba iyo Muqdisho laga sameeyo “Guddiga Hufnaanta”, lana siiyo awood ballaaran oo uu ku korjoogteeyo guud ahaan hannaanka doorashada. Waxay la shaqeyn karaan guddiyada FEIT iyo SEIT, si loo sugo xornimada iyo hufnaanta doorashada. Guddiga waa in la siiyo awood uu si qumaati ah u faragalin karo wixii isdaba marin ah, sida handadaadda, isdaba marsiinta xulidda ergada iyo dhinacyada kale ee doorashada. Guddigan waa inuu ka koobnaado dad miisaan ku dhex leh bulshada dowlad goboleed walba, gaar ahaan culimada, ganacsatada iyo dadka kale ee aadka loo tixgaliyo. Dad badan oo sifooyinkaas leh way buuxaan dalka oo dhan.

3 –Madaxda dowlad goboleedyada waa inay ka waantoobaan inay muwaadiniinta u diidaan inay u tartamaan Aqalka Sare. Ma jirto sifo sharci ah oo muwaadin loogu diidi karo xaqiisa inuu kursi u tartamo. Dhaqankan waa mid aad u fool xun. Guddiga SEIT ee gobol walba waa in loo oggolaado inuu qaban karo araajida muwaadiniinta oo dhan.

4 –Waa in la sameeyo guddi heer federaal ah oo xalliya khilaafaadka, iyadoo la ogsoon yahay in doorashadni noqon doonto mid aad loogu muransan yahay. Xubnaha guddigan waa in lagu soo daro sharci yaqaanno (ay kamid ah yihiin khubarada shareecada) lagu yaqaanno hufnaantooda iyo xushmada ay bulshada ku dhex leeyihiin. Shaqada guddigan waa inay noqotaa inay xalliyaan khilaafaadka doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa madaxweynaha. Waxaa muhiim in guddigan loo oggolaado inuu go’aan kama dambeys ah ka gaaro khilaafaadka, haddii la doonana uu ku celiyo doorashada. Marka ay waajibkooda gutaan ayaa quman in xildhibaannadu doortaan hoggaankooda iyo madaxweynaha dalka.

5 –Xubnaha hey’adaha amniga, shaqaalaha rayidka ah (oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta) iyo shaqaalaha madaxda federaalka kuwa goboleedka waa in laga mamnuuco inay guddiyadaas ku biiraan. Tallaabadani ma ahan oo kaliya mid maangal ah, balse waxay ku caddahay sharciga doorashada baarlamaanku ansixiyey horraantii sannadkan, madaxweynuhuna saxiixay.

6 –Beesha caalamku ma ahan in la isticmaalo oo ay dhaqaale ku kabaan hannaankan aadka u musuqmaasuqan. Tani waxay meel ka dhac ku tahay canshuur bixiyayaashooda, waxayna gef ku tahay shacabka Soomaaliyeed.

7 –Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey waa in ay ogaadaan doorasho la boobo inay Soomaaliya u horseedi karto colaad ayna dib u celin karto xasiloonida bilowga ah ee labaatanka sano la soo unkayey. Haddaba, isaga oo gudanaya waajibaadkiisa ilaalinta nabadda adduunka isla markaana garowsanaya mabda’a caalamiga ah ee waajib ahaanta u arka u gargaaridda inta nugul ee masuuliyiintoodu gabto, waa in ay Golaha Amnigu ka dalbaan siyaasiyiinta Soomaalida in ay dhaqan geliyaan doorasho hufan, xor oo xalaal ah. Haddii tallaabooyinkaas la wada qaado, waxaa hubaal ah inay xoojin doonaan hufnaanta doorashooyinka, isla markaana horseedi doonaan natiijo la wada oggol yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here