Hayadaha Amniga Dowlada Somalia oo shaaciyey sawirrada xubno Alshabab baxsad ah &Abaal marin la dul dhigay

Hayadaha Ammaanka dowladda Somalia ayaa soo bandhigay xubno ka tirsan Alshabaab oo baxsad ka ah cadaaladda, kuwaasoo loo heyso falal argagixiso iyo khaarijin, waxaana madaxooda la saaray lacag abaalmarin ah.

Ciddii keenta xogta raggan lagu qaban karo oo ka kooban 5 xubnood ayaa loo ballan qaaday Abaal marin Lacageed oo aan la sheegin cadadkeeda, waxayna dhowaan kasoo muuqdeen barnaamijka Gungaar ee ka baxay telefishanka dowladda oo looga hadlay shabakad Alshabaab ah oo ka howgeli jirtay magaalada Muqdisho.

Shanta xubnood ee Hayadaha amniga raadinayaan ayey dhowaan maxkamadda ciidamada qalabka sida ku xukuntay Dil toogasho ah, iyagoo ka qeyb qaatay dilal khaarijin ah iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho.

HOOS KA FIIRI SAWIRRADA XUBNAHA LA DOONAYO

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here