Harry Redknapp Oo U Jawaabay Jurgen Klopp Islamarkaana Difaacay Wiilka Uu Abtiga U Yahay Frank Lampard

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Harry Redknapp ayaa difaacay wiilka uu abtiga u yahay ee Frank Lampard ka dib markii uu Jurgen Klopp u sheegay inuu u baahan yahay inuu barto sida loo hadlo.

Tababaraha Chelsea Lampard iyo macalinka Liverpool Klopp ayaa isku dhacay kulankii Premier League ee Anfield.

Lampard ayaa la arkayay isagoo aflagaadeynaya Klopp iyo caawyihiisa isagoo ku dooday ciyaarta ka dib in Reds ay soo bandhigtay isla weyni mar haddii ay hanteen koobka horyaalka.

Advertisements

Klopp ayaa dhacdadaan ka hadlay shirkiisii jaraa’id ee ugu danbeysay isagoo sheegay inay aheyd in Lampard uu wixii dhacay uga soo dhex tago garoonka, isagoo hadalkiisa raaciyay inuu u baahan inuu barto sida loo hadlo.

Laakiin Redknapp ayaa u jawaabay Klopp una sheegay in tababaraha Blues uusan u baahneyn talo uga timaada qof kale.

“Frank waxa uu xirfada kubada cagta ku dhex jiray tan iyo caruurnimadiisii” ayuu Redknapp u sheegay The Sun.

“Uma baahna talo uu ka helo qof kale, inkastoo aan ixtiraam badan u hayo Klopp. Frank caadiyan waa qof degan, inta badana waxyaabahaan kuma lug yeesho.

“Inuu jawaab celin ceynkaas ah bixiyo, waa qasab inay jireen waxyaabo ka careysiiyay.”

Redknapp oo qaba Lampard habar yartiis ayaa hadalkiisa raaciyay: “Frank ixtiraam ayuu u hayaa Jurgen. Waana ogahay inuu kaliya doonayo inuu gacantya geliyo isaga si ay arintaan uga gudbaan.”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII