Halyeygii Barcelona Ee Xavi Hernandez Oo Uu Ku Dhacay Fayraska Korona Iyo Sida Xaaladdiisa Caafimaad Tahay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Al Sadd ayaa shaaciyey in tababaraheeda ahna halyeygii Barcelona ee Xavi Hernandez uu ku dhacay caabura Korona ee dadka badan ugu dhinteen dunida.

Xavi oo lala xidhiidhinayay inuu dib ugu soo laaban doono Barcelona oo uu beddeli doono Quique Setien ayaa baadhitaano lagu sameeyey lagu ogaaday in caabuqa laga helay, taas oo baajisay kulan ciyaareed oo si weyn looga sugayay waddanka Qatar.

Al Sadd ayaa waxay Sabtida maanta la ciyaari lahayd Al Khor oo ay ku ballansanaayeen kulan ka tirsan horyaalka Stars League ee Qatar, laakiin tababaraha reer Catalonia ayaa karantiil loo geliyey caabuqa sida ay kooxdu xaqiijisay.

Advertisements

Qoraal lagu daabacay barta bulshada ee kooxda  Al Sadd ayuu Xavi Hernandez ku yidhi: “Maanta ma awoodi karo inaan ku biiro kooxdayda ciyaarta ay sida rasmiga ah ugu soo laabanayso tartamada. Laakiin, David Prats (tababaraha kooxda B-da) ayaa halkaa joogi doona oo aniga kaalintayda tababaraha koowaad ahaan ku meteli doono.

“Maalmo yar ka hor, iyadoo la raacayo nidaamka horyaalka, waxa baadhitaan la igu sameeyey la igaga helay caabuqa. Nasiib wanaag, hadda caafimaadkaygu wuu fiican yahay, laakiin karantiil ayaan ku jirayaa illaa inta wax walba ka caddaanayaan.”

Xavi Hernandez oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Marka ay laamaha caafimaadku ogolaadaan, waxaan kusoo laaban doonaa nolol maalmeedkii caadiga ahaa iyo shaqada, waxaanan u mahad celinayaa dhamaan masuuliyiinta, gaar ahaan kuwa ka shaqaynaya horyaalka, xidhiidhka iyo Al Sadd oo naga caawiyey inaanu waqti hore ogaano (xanuunka) si loo yaraayo faafitaanka fayraska, isla markaana damaanad qaadaya horumarka caadiga ah ee horyaalka.”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII