Halyeeyga reer Brazil Pele oo shaaca ka qaaday in qaliin lagu sameeyay si looga saaro burada

Photo: Getty

Halyeeyga kubada cagta Brazil Pele ayaa sheegay inuu aad u dareemayo caafimaad kadib markii lagu sameeyay qaliin lagu guuleystay si looga saaro buro xiidanka.

Waxaa jiray xoogaa walaac ah oo ku xeeranaa caafimaadka Pele, iyadoo 80 jirka lagu daweynayo Isbitaalka Albert Einstein ee Sao Paulo lixdii maalmood ee la soo dhaafay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu miyir beelay.

Maareeyaha ganacsiga Pele, Joe Fraga, ayaa ku wargeliyay taageerayaasha in Pele uusan aad u xanuunsanayn hadal ku qanciyey horaantii maanta isla markaana halyeeygii hore Santos iyo weeraryahanka New York Cosmos ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay si ay u siiyaan xog ku saabsan xaaladda caawa.

‘Saaxiibbaday, aad baad ugu mahadsan tihiin fariimaha naxariista leh,’ Pele ayaa u sheegay 7.1 milyan oo taageerayaashiisa ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here