Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gooldhalinta Premier League Iyadoo Kulankii Ugu Danbeeyay Xilli Ciyaareedka Berri La Ciyaarayo?

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League ayaa berri la soo gabagabeynayaan, iyadoo la go’aansan doono kooxaha tartamada Yurub u soo baxaya iyo kooxaha heerka labaad u laabanaya.

Laakiin sidoo kale waxaa berri oo Axad ah la go’aansan doonaa xiddiga ku guuleysanaya kabta dahabka horyaalka Premier League iyadoo seddex xiddig ay si gaar ah ugu tartamayaan.

Waxaa haatan 23 gool ku hogaaminaya weeraryahanka Leicester City Jamie Vardy kaasoo berri oo Axad ah ka horimaanaya kooxda Man United oo ay ku dagaalamayaan boosaska afarta sarre.

Advertisements

Waxaa ku soo xiga oo 21 gool leh xiddiga Southampton Danny Ings kaasoo kooxdiisa ay badbaaday xilli ciyaareedkan iyagoo ku jira kaalinta 12aad, waxay gurigooda ku soo dhaweynayaan kooxda sharta leh xilli ciyaareedkan ee Sheffield United.

Weeraryahanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa isna ku jira kaalinta seddexaad isagoo leh 20 gool, kooxdiisa Arsenal waa ay ka quusatay inay u soo baxdo tartamada Yurub xilli ciyaareedkan inkastoo ay Europa League u soo bixi doonaan haddii ay ku guuleystaan FA Cup.

Sidaasi darteed berri waxa kaliya ee ay Arsenal u ciyaareyso waa inay soo gasho kaalinta 8aad iyo inay ka caawiyo Aubameyang inuu hanto kabta dahabka iyagoo garoonkooda Emirates Stadium ku soo dhaweynaya Watford.

Xiddigo fursad dheer iyagana u heysta ku guuleysiga kabta dahabka Premier League waa laacibka Liverpool Mohamed Salah iyo kan Manchester City Raheem Sterling kuwaasoo leh 19 gool.

Liverpool waxay marti u tahay berri kulankooda ugu danbeeya xilli ciyaareedka kooxda Newcastle United halka Man City ay garoonkooda Etihad Stadium ku soo dhaweyn doono Norwich City oo xaqiijisatay inay heerka labaad u dhacday.

Xiddigaha Ugu Sareeya Gooldhalinta Premier League:

Jamie Vardy – Leicester City – 23 gool

Danny Ings – Southampton – 21 gool

Pierre-Emerick Aubameyang – Arsenal – 20 gool

Mohamed Salah – Liverpool – 19 gool

Raheem Sterling – Manchester City – 19 gool

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII