Halkee Ayay Barcelona Ku Jiri Lahayd Haddii Aanu Lionel Messi Joogi Lahayn? – Akhriso Xogta Layaabka Leh Ee Messi Iyo Waxqabadkiisa Barca

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Barcelona waxay kusoo laabatay jidka guusha oo ay laba kulan oo xidhiidh ah ka maqnayd, sidoo kalena afar ciyaarood oo isku xigay aanay saddex ka mid ah guuleysan, waxaana ugu dambayntii guul 4-1 ah ay ka gaadhay Villarreal.

Afar gool oo ay kala dhaliyeen Atoine Griezmann, Luis Suarez iyo Ansu Fati, laakiin xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi oo ciyaarta gudaheeda wacdaro ka dhigay, laba goolna caawiye ka ahaa ayaa gool uu dhaliyey laga diiday, kaddib markii VAR go’aamiyey in ciyaartoy kale oo kubadda taabtay uu OFFSIDE ku jiray ka hor intii aan Messi la siinin kubadda.

Lionel Messi ayaa loo doortay xiddigii ugu wanaagsanaa ee ciyaarta, maadaama shaqo kasta iyo gool kasta oo ay kooxdiisu dhalisay uu isagu udub-dhexaad usoo ahaa.

33 jirkan waxa uu xili ciyaareedkan dhaliyey 22 gool, waxaana uu usbuuc ka hor xaqiijistay rikoodhka 700 gool oo intii uu xirfaddiisa ciyaareed ku jiray uu dhaliyey.

Xili ciyaareedkan socda, waxa uu Messi caawiye ka noqday 19 gool oo ay ciyaartoyda Barcelona dhaliyeen, waxaana uu qayb ka noqday rikoodhka guulkii 9000aad ee Barcelona ay taariikhdeeda dhaliso oo Ansu Fati saxeexay, laakiin uu caawinteeda Lionel Messi sameeyey.

Lionel Messi waxa uu taariikhda Barcelona kaga jiraa halka ugu weyn, mana jiro waxa uu u qabtay cid la mid ah, iyadoo aanay xataa halyeeyadii waaweynaa ee John Cruyff iyo raggii la midka ahaa u samayn Barca waxa uu Messi siiyey.

111 sannadood oo ay Barcelona jirtay, waxay dhalisay 9000 (sagaal kun) oo gool oo midkii ugu dambeeyey uu Ansu Fati tirada ugu buuxiyey, laakiin waxa layaab leh in boqolkiiba toban (10%) ka mid ah goolashaas uu Lionel Messi sameeyey ama dhaliyey.

630 gool oo uu lugtiisa ku dhaliyey iyo 275 gool oo uu caawiye ka noqday dhamaan tartamada, waxay Lionel Messi siinayaan tiro ah 905 gool oo uu qayb ka qaatay intii uu xidhnaa funaanadda kooxda, taas oo u dhiganta boqolkiiba 10 iyo waliba dheeraad, tirada guud ee goolasha Barcelona ay dhalisay 111 sannadood ee ay jirtay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII