“Hadii Ay Ii Baahanyihiin, Halkan Ayaan Joogaa, Wali Si Fudud Ayaan Uga Ciyaari Karaa Premier League”:-Zlatan Ibrahimovic Oo Albaabka U Furay In Uu Ku Soo Laabto Man United

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda LA Galaxy ee Zlatan Ibrahimovic ayaa shukaansanaya kooxdiisii hore ee kooxda Man United oo uu u soo ciyaaray hal xilli ciyaareed iyo badh.

Kooxda Man United ayaa iska iibisay xiddiga Romelu Lukaku kaas oo ku biiray kooxda Inter Milan halka ay haatan ku dhawdahay In Alexis Sanchez amaah ugu dirto kooxda Inter Milan.

Xiddiga reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku soo laabto kooxda Man United hadii ay kooxdu u baahantahay adeegiisa.

Xiddiga khabiirka ah ayaa markii ugu dambaysay u ciyaaray kooxda Man United sanadkii 2018 ka hor inta uuna suuqii January kaga biirin kooxda LA Galaxy.

Zlatan Ibrahimovic oo la hadlaya wargayska Daily Star ayaa yidhi”Libaaxu Wali Waa Kacsan yahay, Haa, Wali waxa aan awoodaa in aan si fudud uga ciyaara horyaalka Premier League hadii ay Man United ii baahantahay halkan ayaan joogaa”.

“Laakiin haatan waxa aan la joogaa Galaxy waana waxa aan diirada saarayo”.

“Waxa aan shaqo fiican ka qabtay yurub waanan ku raaxaystay waxana aan ku guulaystay 33 koob waxana aan doonayaa in aan halkan koob ugu guulaysto, aynu eegno waxa dhaca”.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here