“Haddii Ay Wax Inagu Soo Gaaraan Camp Nou, Naarta Ayaan Daboolka Ka Qaadayaa” – Madaxweynaha Napoli Oo Hanjabay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Advertisements

Madaxweynaha Napoli, Aurelio de Laurentiis, ayaa sii wada weerarkiisa ka dhan ah xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA kuwaasoo go’aansaday in kulanka Barca iyo Napoli ee Champions League lagu qabto garoonka Camp Nou.

Madaxweynaha Napoli ayaa ku doodaya in kulankaan lagu qabto garoon dhexdhexaad ah madaama uu soo laba kacleeyay kiisaska fayraska Korona ee dalka Spain.

Sida ay haatan wax yihiin, ciyaartaan waxay ka dhici doontaa garoonka Camp Nou iyadoo lugtii hore oo ka dhacday Talyaaniga ay ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah.

Advertisements

De Laurentiis ayaa u hadlayay Sky Sports Italia, wuxuuna diidan yahay in la aamusiyo isagoo hanjabaad hawada u mariyay xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA.

Wuxuu yiri: “UEFA waa sida seddex daanyeer: shar ma arkaan, shar ma maqlaan, shar kama hadlaan”

Wuxuu ku hanjabay inuu talaao dhanka sharciga ah ka qaadi doono UEFA haddii mid ka mid ah xubnaha kooxda iyo ciyaartoyda uu ku dhaco fayraska Korona marka ay booqdaan magaalada Barcelona.

“Madaama ay saaxiibadeey yihiin, waxaan rajeynayaa inaysan wax xun nagu dhicin marka aan halkaas tagno. Haddii ay wax nagu soo gaaraan Camp Nou, sida filimka Gladiator oo kale ayaa oran doonaa ‘Tilmaamteyda naarta daboolka ha looga qaado’.”

Advertisements
Advertisements

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII