Hadalka Kangana Ranaut oo saameyn yeeshay kaddib markii booliska ay u yeereen Aditya Chopra si ay su’aalo kaga weydiiyaan kiiskii Sushant Singh Rajput

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Kaddib markii ay shalay atariishada aanan gamban ee Kangana Ranaut carrabka ku dhufatay filim sameeyayaasha kala ah Aditya Chopra, Karan Johar iyo Mahesh Bhatt inay mudnaayeen in su’aalo laga weydiiyay kiiskii is-dilka ahaa ee uu isku khaarijiyay Sushant Singh Rajput.

Kangana ayaa cod sare ku tiri in booliska magaalada Mumbai ay ahayd in saddexdan filim sameeye ee awoodda badan ay su’aalo ka weydiiyaan dhimashadii Sushant.

Kaddib hadalkaas, booliska magaalada Mumbai ayaa u yeeray madaxa shirkadda Yash Raj Filims ee Aditya Chopra iyagoo ka warreystay arrimo la xiriira kiiska geeridii Sushant.

Wakaaladda wararka ee ANI ayaa barteeda -ka kusoo daabacday warkan ah in Aditya su’aalo ku saabsan kiiskii Sushant la weydiiyay, inkastoo aysan baahin su’aalihii la weydiiyay iyo jawaabahooda.

Balse warar kale oo laga helay warbaahinta India ayaa sheegaya in Aditya la weydiiyay sababta filimka Paani uu dib ugu dhigay soo saaristiisa xilli Sushant sameynta filimkan uu galiyay 11 bilood.

Sidoo kale Aditya waxaa laga warreystay heshiiskii uu usoo bandhigay Sushant ee ay ku wada shaqeynayeen markii la sameynayay filimka Paani.

Faahfaahinno dheerraad ah oo laga helay ilo ku dhow booliska waxay sheegeen in Aditya uu ku dooday inuu isaga u soo jeediyay director-ka filimkan ee Shekhar Kapur inuu hoggaamiyaha koowaad Sushant kaga dhigo filimka Paani.

Aditya Chopra ayaa sidoo kale sheegay inuu isaga ahaa shaqsigii xiisaha badan u qabay inuu la shaqeeyo xiddiga geeriyooday, wax dhibaato ahna aysan labadooda dhex marin.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII