Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Oo Ciidanka AMISOM U diideen…

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo gacanta ku haya amniga Garoonka Diyaaraha Ugaas Khaliif ee Beledweyne ayaa maanta guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, saraakiil iyo madax kale oo kamid ah maamulka gobolka Hiiraan daqiiqado ka hor istaagay in ay galaan gudaha Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Balad weyne.

Guddoomiye Jeyte iyo Mas’uuliyiinta la socday ayaa garoonka u tagay soo dhaweynta wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Oomaar oo Beled weyne u tagay baarista shilkii diyaaradeed ee shalay ka dhacay garoonka diyaaraha Beledweyne.

Guddoomiyaha gobolka hiiraan oo aad uga careysan in garoonka diyaaraha Ugaas Khaliif laga hor istaagay ayaa dib ugu laabtay gudaha Beled weyne.

Balse Markii dambe ayaa Xaalada la xaliyey,waxaana uu sheegay in tani ay Saraakiisha AMISOM ka jawaabi doonaan isagoo Barasaabkii Gobolka Ah sidaas lagu sameeyo oo Xasaanada uu leeyahay lagu tix gelin waayo.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII