Gudiga doorashada Jubbaland oo sadax maalin dib u dhigay doorashada

Gudiga madax banaan ee doorashada Jubbaland ayaa iyaga oo tixgalinaya codsiyada isdabajooga ee uga yimid beesha caalamka waxa ay dib u dhigeen xiliga la qabanayo doorashada madaxweynaha Jubbaland.

Xiliga doorashada oo horay loo iclaamiyay in la qabanaayo maalint isniinta ee bisha Agoosto ku beegan tahay 19ka ayaa waxaa lagu daray sadax maalin.

Gudiga ayaa qoraal ay caawa soo Saareen ku sheegay in doorashada madaxweynaha dhacayso maalinta khamiista ee bisha Agoosto tahay 22ka.

Wali lama oga in musharaxiinta mucaaradka ku ah geedi socodka doorashada  Jubbaland ay ka faa’iidaysan doonaan sadaxda cesho ee dheeraadka ah ee la siiyay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here