Guddoomiye Shuute oo ka digay hal arrin oo ay caan ku tahay Dowladda Farmaajo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Gudoomiyaha Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sidda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa si weyn uga digay in mas’uuliyiinta iyo taliyeyaasha Ciidanka ay dadka aysan marsiin baaritaano ku heystaan xabsiyadda.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay qof walba oo uu soo xiro hoggaanka baarista in si deg deg ah loo geeyo Xeerilaalinta iyo Sidoo kale Maxkamaddaha si loogu aqoonsado in uu yahay eedeysane haddii Maxkamaddu ogolaato.

Waxaa uu xusay in qof walba oo Hay’addaha Ammaanka soo xiraan oo la horgeeyo si deg deg ah Maxkamaddaha iyo xeerilaalinta in uu xarigiiso noqon doono Mid Sharci ah.

Waxaa uu tilamaamay in qof walba oo lasoo xiro oo aan la horgeyn Maxkamadaha iyo sidoo kale xeerilaalinta in loo aqoonsan doono qof Afduuban, islamarkaana loo aqoonsan doono in uu u afduuban yahay Mas’uulka meesha uu ku xiran yahay.

Ugu dambeyntii waxaa uu soo jeediyay dhammaan Hay’addaha baarista ilaalinta Sharciga iyo in Muwaadiniinta lasoo xiro lagu sii heyn karo go’aan Maxkamaddeed oo kaliyah.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII