Guddoomiye Mahad Cawad Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta dib ugu soo laabtay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa markii uu soo gaaray Mahad Cabdalla Cawad waxaa kusoo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Turkiga,isagoo halkaas kula soo kulmay Madax ka tirsan dalkaas,isla markaana ka wada hadlay arrimo kala duwan.

Sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa uu u mahadceliyay Wasiirada iyo Xildhibaanada Maanta kusoo dhaweeyay gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here