Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Mudug. Guddoomiye Cawad oo wabaahinta ku hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in wax laga xumado ay tahay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday deegaano hoostaga degmada Af-barwaaqo ee Gobolka Mudug, kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale Guddoomiye Cawad ayaa Guddiga nabadeynta Mudug iyo Ciidanka Xasilinta dowladda ee halkaas ku sugan ugu baaqay inay ku baxaan Codaalada Af-barwaaqo, isla markaana si deg deg u joojiyan dagaalka dhiiga uu ku daatay. AKHRISO Sawirro:-Qoys deganaa Hargeysa oo Guriga kusoo dumay iyo Khasaaro ka dhashay Dec 8, 2019 Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Shabeellaha Hoose Dec 8, 2019 Dhageyso;- Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan Dec 8, 2019 Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in tallaabo adeg laga qaadi doono dadka sii hurinaya dagaalka kasoo cusboonaaday Gobolka Mudug, wuxuuna Carabka ku dhuftay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka ku dhaqan halkaas. Ugu dambeyntii Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee dalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan xalinta dagaal beeleedyda soo cusboonaaday. Si kastaba dagaalkii ka dhacay deegaano hoostaga degmada Af-barwaaqo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tirro kale, kuwaasi oo u badan dhinacyadii dagaalamay.

Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Mudug.

Guddoomiye Cawad oo wabaahinta ku hadlay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in wax laga xumado ay tahay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday deegaano hoostaga degmada Af-barwaaqo ee Gobolka Mudug, kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Guddoomiye Cawad ayaa Guddiga nabadeynta Mudug iyo Ciidanka Xasilinta dowladda ee halkaas ku sugan ugu baaqay inay ku baxaan Codaalada Af-barwaaqo, isla markaana si deg deg u joojiyan dagaalka dhiiga uu ku daatay.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in tallaabo adeg laga qaadi doono dadka sii hurinaya dagaalka kasoo cusboonaaday Gobolka Mudug, wuxuuna Carabka ku dhuftay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka ku dhaqan halkaas.

Ugu dambeyntii Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee dalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan xalinta dagaal beeleedyda soo cusboonaaday.

Si kastaba dagaalkii ka dhacay deegaano hoostaga degmada Af-barwaaqo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tirro kale, kuwaasi oo u badan dhinacyadii dagaalamay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here