Guddoomiye Cumar Filish oo magacaabay guddoomiyaal degmo

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa maanta magacaabay labo guddoomiye degmo iyo hal ku xigeen.

Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa xilkaasi loo kala magacaabay:

  1. Guddoomiyaha degmada Waaberi ayaa loo magacaabay Cabdicasiis Cismaan Jaamac.
  2. Guddoomiyaha degmada Shangaani ayaa loo magacaabay Aweys Sheekh Maxamed Amiin.
  3. Halka guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada ee degmada Wadajir loo magacaabay Axmed Maxamud Diiriye.

Waxaa xusid mudan in guddomiyaashii hore ee degmooyinkaas lagu dilay qarax lagu sheegay is miidaamin oo 24-kii bishii July ee sanadkan ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaas oo ay ku dhinteen Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Cabdiraxmaan Yariisow, guddoomiyaal degmo iyo agaasimayaal.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here