Guddoomiyaha Deg. Gaalkacyo Oo Kasoo Horjeestay Xilka Qaadis Lagu Sameeyay

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dowlad Gobleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa, isagoo sidoo kalena kala diray Golaha deegaanka degmadaas.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa Guddoomiyaha Cusub ee Gaalkacyo loogu magacaabay Saciid Salaad Cilmi, halka ku-xigeenkiisa loo magacaabay Maxamed Cali Xirsi.

Sidoo kale Wareegtada waxaa lagu magacaabay Guddiga qaban-qaabada Doorashada Golaha Cusub ee deegaanka Degmada Gaalkacyo, kuwaasi oo ka kooban 13-xubnood.

Hayeeshee Guddoomiyihii Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa kasoo horjeestay xilka qaadista uu ku sameeyay Madaxweyne Xaaf, isagoona sheegay in wax xilka qaadis uusan ku sameeyn Kari Mas’uul uu waqtigiisu dhamaaday.

Waxaa kaloo uu sheegay Xirsi Yuusuf Barre oo ku sugan Dhuusamareeb in weli uu yahay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, isla markaana Xaaf xiligaan uusan qaadi Karin xil uu Mas’uul haayo, maadama uu xilgeyntiisu dhamaatay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here