Guddiga qaban-qaabada shirka Dhuusamareeb oo shuruud looga dhigay inay tagaan Hobyo.

Ilo xog ogaal ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Guddiga dib u heshiisinta beelaha dega Galmudug ay xalay warqad soo saareen , taasi oo loo gudbiyay madaxda Guddigaasi.

Xubnahan warqada soo saaray ayaa waxaa ka mid ah Ugaas Cabdullaahi Aadan Xaaji Shiinle, waxaa uuna guddiga dib u heshiisinta uu u sheegay in ay muhiim tahay sida uu u furmo shirka in guddiga ay tago magaalada Hobyo.

islamarkaana ay ka qeyb galaan shirka halkaasi ka soconaya, si buu yiri odayaashaasi loogu qanciyo inay yimaadaan Magaalada uu shirku ka furmaya ee Dhuusamareeb.

Jahwareer aad u xoogan ayaa ka taagan sidii uu u furmi lahaa shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, kaasi oo xiligan caqabado badan ay ku xandaaban yihiiin dib u dhacna uu ku yimid labo jeer.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxaa gaaray xubno badan oo ka mid ah Ergooyinka ka qeyb galaysa shirka dib u heshiisiinta oo ilaa hadda aan la shaacin xiliga uu furmayo.

Ergadda gaartay Dhuusamareeb ayaa intooda badan ka kala yimid Deegaano iyo Degmooyinka ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee  Galmudug iyo deegaano ka tirsan koonfurta Soomaaliya oo intooda badan ay ka baxeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

U diyaar garowga marti galinta Shirweynaha Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb oo loo dhigay gogosha shirkaas, waxaana la sheegay in Ergada xaadirtay Dhuusamareeb ee ka qeyb galeysa shirka ay tiro ahaan kor u dhaafeyso 300 boqol, waxaa jira deegaano ay ugu horeyso magaalada Cadaado oo wali kasoo hor jeeda ka qeybgalka shirka ay gogo shiisu taalo magaalada Dhuusamareeb.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here