Guddiga Joogtada Ee Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeeshaan kulankii 1aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka.

Kulankan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,isla markaana waxaa ka soo qeyb galaya kulankaas inta badan xubnaha Guddiga Joogtada.

Ajandaha kulanka ayaa ah Dajinta Ajendayaasha Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo dhawaan Furmay.

Guddiga Joogtada Ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu socdo kulankooda waxaa ku dejin doonaan Ajendayaasha Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo dhawaan lagu wado inuu furmo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan si rasmi ah u Kalfadhiga 6aad Baarlamaanka Soomaaliya ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here