Guardiola oo ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac ee De Bruyne iyo Phil Foden, iyo Waliba Xidigaha Koonfurta Ameerika

Manchester City ayaa dib u bilaabi doonta ololaheeda Premier League ee 2021/22 Sabtida.

City ayaa wajihi doonta kooxda Leicester City, waana tijaabada ugu horeysa ee Macalinka Kooxda Pep Guardiola.

City ayaa ciyaarta soo galaysa iyada oo dhabarka ku wadata laba 5-0 oo ay ku garaacday Norwich iyo Arsenal. Si kastaba ha ahaatee, waxay lumiyeen guushoodii furitaanka xilli ciyaareedka 1-0 Tottenham.

Kahor kulanka Sabtida, Pep Guardiola ayaa saxaafadda la hadlay Maanta oo Jimcaha.

Guardiola ayaa xaqiijiyay in Phil Foden uu yeeshay tababarkiisii ​​ugu horreeyay Khamiista shalay waxa uu dhanka kale ka gaabsaday De Bruyne oo isna tababarka ku soo bilowday inkastoo uusan Xaqiijinin hadii uu Ciyaarayo Kulankan:

Tababaraha City ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Zack Steffen uu ku sugan yahay USA:

Waxa uu ugu danbeyn sheegay in Ederson iyo Gabriel Jesus ay Ciyaari karaan isla markana uu jawaab ka bixin karin ilaa Bari.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: warkii.com