Griezmann, Ramos, Mkhitaryan, Alonso, Hazard, De Gea, de Ligt & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha reer yurub haatanba bilaabi doonaan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen xiddigaha ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo la furi kara xiddigaha iyo waliba kooxaha ay ka doonayaan si ay u dhamaystiraan adeegooda

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Kooxda Man United ayaa wadahadalo kula jirta xiddiga Antoine Griezmann si ay ula saxiixato xagaagan kadib markii ay joogsadeen wadahadaladii uu kula jiray kooxda Barcelona (Independent).

Kooxaha Liverpool iyo Man United ayaa dhanka kale wadahadalo kula jira xiddiga Sergio Ramos oo ka fiirsanaya in uu isaga tago kooxda Real Madric xagaagan (Mail).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda ee Henrikh Mkhitaryan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan (Sun).

Daafaca kooxda Chelsea ee Marcos Alonso ayaa laga yaabaa in uu isaga tago kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge inkasta oo uu bishii October ee la soo dhaafay qalinka ku duugay heshiis cusub (Evening Standard).

Dhanka kale xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa doonaya in uu noqdo xiddig Real Madrid ah marka la gaadho 4 bisha June ee soo socota (Mirror).

Goolhayaha David de Gea iyo Man United ayaan ku dhawayn in ay wax heshiis cusub ah ka heshiiyaan inkasta oo uu heshiiska xiddigu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedka dambe (Sky Sport).

Kooxda Everton ayaa ugu cad-cad in ay hesho saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Danny Welbeck kaas oo ay si xor ah ku heli karto (Evening Standard).

Daafaca kooxda Liverpool ee Nathaniel Clyne ayaa xiiso ka helaya kooxaha Napali, Crystal Palace, West Ham & Bournemouth Xilli ay Reds ku iibinayso 15 milyan oo euro (Sky Sports).

Kooxaha Atletico Madrid iyo Valencia ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Mnaco ee Radamel Falcao (L’Equipe).

Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay sii haysato tababare Maurizio Sarri xilli ciyaareedka dambe ka hor inta ayna xagaaga dambe tababare ka dhigan Frank Lampard (Sun).

Kooxda Man United ayaa lacag dhan 14 milyan oo euro ah kor ugu qaaday mushaharka ay u ogoshahay daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt si ay ugu qanciso in uu ku soo biiro kooxda (Sun).

Kooxda Man United & Arsenal ayaa isku baacsanaya xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Adrien Rabiot kaas oo lagu heli karo heshiiska xorta ah (Sun).

Kooxda Arsenal ayaa si gaar ah isha ugu haysa xaalada daafaca kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ka hor inta ayna u dhaqaaqin adeegiisa (Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay iska iibiso xiddiga garabka uga ciyaara ee Xherdan Shaqiri iyada oo badalkiisa u dhaqaaqi doonta xiddiga kooxda Villarreal ee Samuel Chukwueze (Star).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Dani Alves ayaa shaaca ka qaaday in uu ku dhawaaday ku biirista kooxaha Real Madrid iyo Chelsea ka hor inta uuna ku biirin Barcelona (Express).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here