Goaanka ugu danbeeyo ee nooca doorashada ma waxaa leh DG mise MW Farmaajo

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Reading Time: 2 minutes

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
200 days
13 hours
51 minutes
04 seconds

Shirka Wadatashiga Dhuusamareb ee udhaxeeya Dowlad Goboleedyada & DFS go’aan kasto kasoo baxaa ma yahay mid kama danbees ah mise waxaa jiro Saamileey siyaasadeed oo laf dhabar u ah ineey qeyb ka noqdaan wada xaajoodka socda.

Waxaa si hoose loo warinayaa in Dhuusamareeb kasocoto dan kala iibsi sida.

  1. in Madaxweyne Dani loo soo jeediyay dhaqaalo & in DFS joojiso qaska ayka wado Puntland  asagana uu aqbalo mudo kordhin 2 sano ee Madaxweyne Farmaajo.
  2. In Madaxweyne waare losoo jeediyay in lasiiyo mudo kordhin asagana uu tageero mudo kordhinta Madaxweyne Farmaajo.
  3. In Madaxweyne Ahmed Madoobe asna losoo jeediyay  in maamulkiisa lo aqoonsan doono mudo 4 sano ah dhaqalaha ka xayirana loo fasixi doono taas badalkeedana uu tageero mudo kordhinta Madaxweyne farmaajo.
  4. in RW Khayre loosoo jeediyay dhaqaalo faro badan inuu  katanaasulo hankiisa siyaasaded taas badalkeedana uu tageero mudo kordhinta Madaxweyne Farmaajo.
  5. Galmudug , Koonfur Galbeed & Gobolka Banaadir malahan doorasho 

Hadaba Madaxda ku shirsan dhuusamareeb  hadii danaha  shaqsiyadooda ku saleeysan ku hishiiyan goaanka aysoo saaran mayahay mid kama danbees ah sidaas miyee wax walbo ugu tooseysa Madaxweyne farmaajo.

waxaa xaqiiq ah in Madasha Xisbiyada Qaran & Xisbiga Wadajir in aysan aqbaleynin mudo kordhin 1 maalin ah oo losaameeyo Madaxweyne Farmaajo maadama mudo xileedkiisa uu ku dhameestay qas & jahwareerin uu ku haayo Dowladnimada soomaaliyeed.

waxaa ay hoggaamiyasha Xisbiyada Mucaaradka ay dhowraayan Dastuurka KMG kaaso xadeeynayo mudo xileedka Madaxweynaha hadii uu dhamaadana falcelin walbo kasuurtoowda masuuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweynaha Laaluushka caanka ku ah.

Goaan kasto oo kasoo baxa Dhuusamareeb kaaso ku dhisan dano shaqsi ah iyadoo la iska tuurayo daruufta maanta dalka uu ku sugan yahay , dhibaatooyinka waaweyn ee bulshada ka heesata Nolosha & Nabad galyada macquul ma ahan mana la aqbali doono .

Hadii xoog la isku qabsanaayo , hadii hishiiska bulshada laburburinaayo Maxamed Siyaad Bare cidna lama dagaasheen ee boqortooyadiisa wa u dhisnaan laheed maanta waxaa ka muuqda Madaxweyne farmaajo waa afduub uu rabo inuu dalka ku afduubto lagamana yeelayo.

W/Q Abdirisaaq Maxamuud Jaamac

.fb_iframe_widget_fluid_desktop iframe {
width: 100% !important;
}

The post Goaanka ugu danbeeyo ee nooca doorashada ma waxaa leh DG mise MW Farmaajo appeared first on Muqdisho Online. Caasimada Muqdisho.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII