Go’aanka Cusub: Awooda Shirka Dh/mareeb Oo Dawlada Qabatay

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Xarunta Madaxtooyada Galmudug oo hooy u ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laga dajiyey Calamadii hore u surnaa ee Dawwlad Goboleedyada.

Sida laga arki karay Sawir lasoo qaaday Calanka Qaranka keliya ayaa lagu soo koobay in Madaxtooyada uu ka dul babado oo kuwii hore la dejiyey.

Waxay tani muujineysaa in Awoodii Shirka Dhuuso mareeb la wareegtay Madaxtooyada Qaranka,waxaana shirka furmaya berri oo isniin ah lawada sugayaa waxyaabaha kasoo baxa.

Madaxda Dawlad Gobolleedyada Dalka ka jira ee Shanta ah ayaa dhamaantood kusugan Dhuuso mareeb,waxaana lasugayaa keliya Duqa Muqdisho Cumar Filish oo isna halkaasi ku wajahan isla berri.

Magaalada Amnigeeda waa la adkeeyey,waxaana lasoo tebinayaa in ciidamada kasokoow ay bulshada xitaa ka qeyb qaadanayaan sugida Nabad gelyada oo Wafuud kala duwan ay marti ku yihiin.


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII