Giorgio Chiellini oo ka Dhawaajiyay Daafaca uu taageeraha u yahay iyo Horyaalka uu ka Ciyaaro

Kabtanka Juventus Giorgio Chiellini ayaa qirtay inuu taageere u yahay daafaca kooxda Borussia Dortmund iyo Qaranka Switzerland Manuel Akanji.

Chiellini ayaa ka hadlay Akanji ka hor kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee Italy la Ciyaartay Switzerland.

“Mar walba waxaa i xiiso geliyay Akanji, maadaama uu weli haysto wax intaas ka badan oo uu i siin karo, aragtidaydana wuxuu ku dhow yahay da’da saxda ah si uu runtii u gaaro heerkiisa ugu sarreeya, laakiin weli wuxuu u baahan yahay tallaabadaas ugu dambeysa,” ayuu yiri Chiellini.

“Meel ayaa furmaysa goor dhow markaan hawlgab noqdo, markaa waxaa jiri doona Xidigo daboolaya booskaasi waxaan rajeynayaa in la helo.

Giorgio Chiellin ayaa noqday mid kamid ah Daafacyada ugu Feecan Xulkiisa waxana taasu ay keentay in Juventus ku amaal mariso Heshiis kale

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here