Gerard Pique oo shaaca ka qaaday Sida Xiriirka Shakira uu dhibaato ugu keenay Pep Guardiola

Xiddiga Barcelona Gerard Pique ayaa sheeganaya in xiriirkii uu la lahaa Shakira uu xiisad ka dhex abuuray Pep Guardiola.

Pique iyo Guardiola waxay ku guuleysteen wax walba oo ay ahayd inay si wada jir ah ugu guuleystaan Barca xilligaas oo taariikhi u ahayd kooxda kubadda cagta intii u dhexeysay 2008 iyo 2012.

Guardiola wuxuu ku qaatay afar sano oo dhan, isagoo kula guuleystay seddex horyaal oo La Liga ah, labo Champions League iyo koobab kale intii uu joogay.

Laakiin dhammaadkii waayihiisa wuxuu bilaabay inuu xumaado maaddaama qaabkiisa maareynta ee daran sabab u noqotay inuu ka xanaajiyo ciyaartoy.

Dhanka Pique, xiriirkii uu la wadaagay Guardiola wuxuu bilaabay inuu is beddelo markii uu la kulmay xaaskiisa Shakira .

“Waxaan gaarnay meel muhiim ah oo xiisad ah, xitaa qolka labiska,” ayuu u sheegay Marca .

Pep wuxuu rabay in si buuxda loo xakameeyo wixii dhacay.

“Waxaan bilaabay arinta Shakira xiriirkii isaga ayaana is beddelay. Hadda xiriirku waa caadi.

“Cadaadis badan ayaa i hayay. Waxaan dareemay in tababarka ay tahay inaan sameeyo wax walba oo kaamil ah.

“Haddii ay jireen daqiiqado aan ku fikiray inaan ka tago Barcelona, ​​waxay ahayd xilli ciyaareedkaas.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Source: warkii.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here