Gerard Pique Oo Kashifay Hadalkii Uu La Qaatay Neymar Kadib Markii Uu Ku Fashilmay Ku Soo Laabashada Barcelona

Daafaca Kooxda Barcelona ee Gerard Pique Ayaa ku sugan dalka America gaar ahaan New York isaga oo ka qayb qaadanaya daawashada ciyaarta Tennis-ka ee US Open isaga oo ka faa,iidaysana fasaxa uu tababare Ernesto Valverde siiyay xiddigaha kooxda Barcelona inta lagu jiro fasaxa xulalka.

Xilli uu joogo America daafaca ayaa ka hadlay waliba kashifay hadalkii dhex maray isaga iyo Neymar kadib markii uu suuqa kala iibsigu xidhmay lana xaqiijiyay in uu Neymar sii joogi doono kooxda PSG.

Isaga oo la hadlaya Cadena Ser ayuu yidhi”Wax jiray waxyaabo badan oo dhacay waana iska caadi sababta oo ah qofka uu yahay laakiin aan in dhanka kale wax u rognaa”.

“Waxa aan u rajeeyay Nasiib, waanan la hadlay waxa aan u sheegay in aan rajaynayo in ay wax walba u fiicnaadaan isaga xilli ciyaareedkan mana garan kartid waxa dhici doona sababta oo ah sanad walba waxa uu keenaa Fursado cusub sidaas darteed waan eegi doonaa”.

Neymar ayaa si aad ah u doonayay in uu ka tago kooxda PSG kuna laabto Barcelona xilli ay Barcelona wax walba u samaysay in ay heshiiska dhamaystirto.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here