Gacan Ku dhiigle Baxsad Ka ahaa HirShabelle Oo lagu qabtay Guriceel

Ciidamada Amniga Magaalada Guriceel ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu dhawaan dil ka geystay Magaalada B/weyne Ee Gobolka Hiiraan.

Gacan ku dhiiglaha ayaa baxsaday kadib dilka,waxaana Laamaha Amniga HirShabelle ay war geliyeen deegaanada iyo maamulada ay wada shaqeynta leeyihiin bal in la qabto gacan ku dhiiglahaasi.

Sargaal uhadlay Taliska Booliska Gobolka Hiiraan waxa uu sheegay in alle mahadiis ay hadda gacan ku dhiiglihii qabteen ciidanka Guriceel jooga oo dhawaan lagu soo wareejin doono,si maxkamad loo horgeeyo.

“Hadii Guriceel lagu hayo oo la qabtay waxay ka dhigan tahay sida inagoo heyna,Dalka Dawladaa ka jirta,hadii uu tego Hargeysa,Boosaaso,Xamar ama Meel kale waa lasoo qabanaa,sidaa waxa yiri Taliyaha uhadlay Ciidamada Amniga B/weyne”.

Booliska HirShabelle ayaa waxay sheegeen in Amniga la sugayo oo cutubyadii dhawaan tababarka loogu soo xiray Jowhar ay B/weyne gaareen.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

UK TEL 03306060934

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here