Frank Lampard Oo Ku Amray Xiddigaha Chelsea Inay Qeyliyaan Marka Ay La Ciyaarayaan Norwich City Caawa

LIVE U DHAGEYSO WARKII MAANTA :-0017124329950 USA 7124329950

Tababare Frank Lampard ayaa doonaya inuu dareemo qeylada ciyaartoydiisa marka lagu ciyaarayo garoonka Stamford Bridge oo faaruq ah.

Lampard ayaa u ku armay ciyaartoydiisa inay xishoodka iska dhaafaan oo ay hadlaan inta ay ciyaarta socoto.

Blues ayaa caawa la ciyaareysa kooxda u dhacday heerka labaad ee Norwich iyadoo Lampard uu ka dalbaday ciyaartoydiisa inuu qeyladooda maqlo ka dib markii uu ku canaantay aamusnaantooda kulankii ay guuldarada 3-0 ka soo gaartay Sheffield United Sabtidii.

Wuxuu yiri: “Ma ahan howl sahlan, iskuma dayayo inaan ciyaartoy aamusan ka dhigo midka ugu qeylada badan qolka labiska.

“Ciyaartoyda qaarkood waa dabeecadooda inay in badan hadlaan. Waa ay sahlan tahay inaad isku daydo inaad furto afkaaga marka loo eego inaan seddex ciyaaryahan kubada la garab marto oo aad shabaqa meel kore ka geliso.

“Xaqiiqdii waa waxyaabaha aas aaska u ah kubada cagta, waa in hadalkeena la maqlo, sababtoo ah waxba ma maqlin kulankii Sabtida.

“Waxaan xusuustaa markii aan yaraa in la ii baray inaan had iyo jeer la hadlo xiddigaha ila ciyaaraya, inaan kubada ka dalbado, inaan taageero kuwa kale.

“Marka aad garoonka baanankiisa joogto waad aamusnaan kartaa, waxaan heysanaa ciyaartoy qaar oo aamusan, laakiin waa inay garoonka dhexdiisa ku hadlaan.

“Waa wax sahlan oo dabiici ah in la eego tayada ciyaaryahanka laakiin waxaa sidoo kale muhiim ah in la eego habdhaqanka ciyaaryahanka iyo sida uu u la macaamilayo kooxda inteeda kale.

“Waa wax aynu u baahanahay inaan horumar ka sameyno. Ciyaartoyda waa weyn iyaga ayay mas’uuliyad ka saaran tahay inay caawiyaan kuwa kale.

“Waxaan ku jirnaa boos fiican laakiin waa hubaal inaan horumar sameyn karno.”

Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net


Source: warkii.com

Sports News
WARARKII